Dawladda la baxday badbaadada Qaranka Liibiya ee uu fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa waxa ay xilka uga degtay Golaha Madaxtooyada ee ay badhi-taageerto Qaramada Midoobay.
Tallaabadan ayaa waa loogaga dhawaaqay bayaan lagu daabacay barta internetka ee Wasaaradda Cadaaladda.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in golaha wasiiradu ay xilka ka degayaan โiyagoo dhowraya danaha sare ee dalka kana hortegaya in dhiig uu daato.โ
Dawladdan oo aanay weligeed aqoonsan bulshada caalamka, ayaa waxa ay awoodda haysay tan iyo 2014-kii, kaddib markii maleeshiyaad iska soo horjeeda ay ku dagaalameen guddaha Tripoli arrintan oo ku khasabtay in masโuuliyiintii la doortay ay u baxsadaan dhankaa iyo Bariga.
Masโuuliyiinta cusub ee Liibiya ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay u guureen caasimadda si ay isugu dayaan in ay gacanta ku dhigaan maamulka dalka, wixii markaa ka dambeeyayna waxa ay ka howlgalayeen saldhig badda ku yaal.
Tallaabadan ugu dambeysay ayaa waxa ay dhabaha u xaadhaysaa Xukuumadda Midnimada Qaran ee ay taageerto Qaramada Midoobay in ay maamusho hayโadaha dalka ee kala qeyb qeybsan.
Hasayeeshee weli waxaa jirta dawlad ka soo horjeedda oo uu fadhigeedu yahay Bariga dalka, taasi oo uu taageero baarlamaanka caalamka laga aqoonsan yahay.
Awood kale oo sharci dejin ayaa weli ku hadhsan caasimadda, waxa ayna u kala qeybsan yihiin hoggaamiyayaasha cusub ee Liibiya.