Madaxweyne Siilaanyo waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Dr. Cabdi Aw Daahr

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud โ€œSiilaanyoโ€ ayaa waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu kaxay Marxuun Dr. Cabdi Aw Daahir oo ku geeriyooday Burco.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, ย golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxayย Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Caliย oo maanta (06/04/2016) ku geeriyooday magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey, duurkana u galay sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen, kana hawlgeleyey dawaynta mujaahidiintii horseeday xoraynta dalka.

Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee wakhtigooda iyo maskaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta caafimaadka shacbigooda.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, ย golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

ย ย ย  ย ย Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.