Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Dr. Cabdi Aw Daahir

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa tacsi u diray dhammaan qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo ummadda reer Somaliland geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta ku geeriyooda Burco.

War-saxaafadeedka tacsida oo ka soo baxay xisbiga ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka ee Kulmiye, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta 06/04/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali in uu ahaa aqoonyahan wayn oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka dadka oo uu wax badan ku soo taray bulshada reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mufakirka ah ee dalkeennu lahaa.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiinโ€ฆ.Aamiinโ€ฆ.Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga Kulmiye