Dawladda cusub ee Liibiya oo mucaarid xoogan la kulantay

Xubno ka tirsan masuuliyiin Dawladda cusub ee Liibiya ee hoggaaminayo Raysal-wasaare Fayez Sarraj ee ay taageerto Qaramada Midoobay oo gaadhay Tripoli ayaa waxay la kulmeen mucaaridada xoogan oo ka timid maamulayaasha magaalooyinka oo  dalbaday in ay ka baxaan magaalada ama ay isku soo dhiibaan maamulkooda.

Waxay sheegeen in ay sharci darro ah hayd in Raysal-wasaare Fayez Sarraj iyo weftigiisa ay ka soo dagaan garoonka ciidamada badda.

Qaramada Midoobay ayaa rajaynaysa in xukuumadda ay nabadayso waddanka, oo ay fududayso in wax laga qabto mintidiinta Daacish oo saldhig ka dhigtay waddanka dagaal sokeeye oo ka socda awgeed.

Maalmihii ugu danbeeyay wakiilada ka socda dawladda ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa waxay laba jeer ku guul-daraystay in ay u soo duulaan Tripoli.

Weftigan ayaa waxay haddda ku soo galeen Tripoli doon ka soo ambaxday dhinaca Tuuniisiya, oo soo degeen saldhiga ciidanka badda.

bandhige@gmail.com