Faallada Siyaasiga: Ganacsade + Xildhibaan = Wassiir Q.1aad.

Faallada Siyaasigu waa qormo todobaadle ah oo aynu ku milicsan doono siyaaasiga maanta.

“Eebow aqoon la’aan hannagu cadaabin Eexna hannagaga tegin” Aqoon darrida iyo maangaabnida waa wax laga fogaado, waxayna hoos u dhac iyo tafarraaruq ku sameysaa bulshada meel ku wada nool.

Ab iyo isir-raac ummuu lahayn arrimaha siyaasadda, qoys ahaan meelna siyaasada kuma abtirsado, inta badan waxa uu akhrisan jirey jaraa’idka gaar ahaan kuwa ka hadlaya arrimaha siyaasada, waxaanu aad u daawan jirey Tvyada iyo warbaahiyayaasha ka qaadaa-dhiga arrimaha siyaasada dalka, waxa uu inta badan ka warqabi jirey dood afeed, waxaanu la fadhiisan jirey madaxda Gobolka Togdheer meherad ganacsi oo uu ku lahaa Burco,

Inta badan waxa uu xidhnaa odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhallinyarad iyo culimada oo ay wada faalleyn jireen arrimaha siyaasada dalka oo ahayd waxa uu maqlo ama uu jaraa’id ka akhriyey.

Waxa uu ahaan jirey nin ganacsade ah nasiibku waa hiile waxa u suurto gashay in uu ka faa’ideysto doorasho loogu tartamaayay golaha sharci dejinta ee aqalka wakiillada, olole baahsan duruufo adag hanti badan oo uu kharash gareeyey waxa uu ka mid noqday golihii baarlamaanka.  Muddo badan ayuu ahaa xubnaha ugu firfircoon ee golaha wakiilada, waxaanu ka tirsanaa waqtigii doorashada baarlamaanka xisbiga Kulmiye oo mucaarad ahaa markii hore markii dambese muxaafad noqday.

Lagasoo bilaabo 2005kii illaa iyo 2010kii waxa uu ahaa xildhibaan mucaarad ah waxaanu difaaci jirey hantida qaranka iyo ummadda, waxaanu hiil u gali jirey sidii uu heegan ugu ahaan lahaa xakameynta sharciyo ku lid ah hanti lumsiga iyo musuqmaasuq. Sidoo kale waayo aragnimo, karti iyo awood waxa uu ku illaalin jirey xeerarka iyo hab nidaamka golaha isagoo ka mid ahaa xubno guddi hoosaad ah, kasbasho iyo kalsooni badan waxa uu kulahaa xubnihii badnaa ee mucaaradka ahaa ee meel uga soo wada jeeday illaalinta sharciga iyo hantida ummadda.

Tiraba dhawr jeer waxa uu warbaahinta dalka iyo dibedda soo gaadhsiiyey hanti lumis iyo musuqmaasuqa jirey waqtigii dawladdii UDUB, laga billaabo sannaddii 2010kii – 2014kii waxa uu noqday muxaafad, waxaanu ku soo biirey hab cusub iyo nidaam u mideysan sidii uu buuxin lahaa galdallooladii uu arki jirey waagii uu mucaaridka ahaa.

Waxa mar labaad u suurto gashay in uu ka mid noqdo xubnaha golaha wassiiradda ee uu qarankani leeyahay, uma uu gelin olole hanti badanina kaga baxday, balse waxa uu ku kasbadey hiilkii iyo sidii uu ugu hagar la’aa illaalinta hantida ummadda iyo sharciga dalka waqtigii uu mucaaradka ahaa …………!!!!!

Lasoco qaybta 2aad