Dawladda Kiiniya waxay ku dhowaaqday in ay heshiiska ganacsi iyo mid siyaasadeed la galayso Somaliland

Dawladda Kiiniya ayaa waxay ku dhawaaqday in ay danaynayso xidhiidh ay a samayso  Somaliland kaasi oo heshiis iskaashi oo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadaba isugu jira, si loo awoodo in layska garabsado balaadhinta iskaalmaysiga iyo in gacantana laga siiyo Somaliland meelaha iskaashigu ku salaysnaan karo sida dhismaha jidadka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya Aamina Maxamed ayaa sheegtay in dalkeedu dananayo xidhiidh wax wada qabsi oo buuxa oo ay la yeeshaan Somaliland, isla markaana waxay xustay in xidhiidhkaasi uu yahay mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Wasiirku Waxay xusty in Kiiniya iyo Somaliland ay iska kaashan karaan dhinacyada Kaluumysiga, Beeraha, Xoolaha nool, Caafimaadka, Waxbarashada iyo xitaa Macdanta, waxa kale oo ay intaa ku dartay in ay jiri karaan waxyaaba kale oo xiiso leh oo ay iska kaashan karaan labada dal.

Wasiirka Arimaha Dibedda Kiiniya waxay sheegtay in haatanba ay Somaliland ka shaqeeyaan oo joogaan dad badan oo xirfadlayaal ah, kuwaasoo u jooga shaqooyin kala duwan oo ay ka hayaan Somaliland, sida; macalimiin, shaqaale ka shaqeeya hay’adaha Qaramadda Midoobay ee ka hawl gala Somaliland, hay’adaha caalamiga ah, kuwa waddaniga ah iyo meelo kale, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“Waxaanu leenahay khibrad wanaagsan, waxaanu leenahay awooddii, waxaanu leenahay aqoontii, markaa waanu awoodnaa in aanu tayadaa u wareejino xaggaa, in aanu dirno shaqaale sida kalkaalisooyin caafimaad, macalimiin, waxaanu haysanaa tiro fiican markaa dhib naguma ah in aanu u diro somaliland, si ay halkaa uga soo shaqeeyaan. Somaliland waxa jira dhismaha wadooyin badan, Anaguna waxaanu leenahay kambaniyo dhismaha jidadka iyo magaalooyinka ah oo qorshuhu yahay inay tegi karaan halkaa si ay u kaalmeeyaan. Taa macnaheedu waxa weeye Kenya waxay u baahantay inay heshiis iskaashi la gasho Somaliland”

Xidhiidhka Somaliland iyo Kiiniya ayaa bilowday xili hore, hase ahaatee warbixintan oo ay baahisay Chamsmedia waxay xustay in dananaynta Kenya ee iskaashi ay la samayso Somaliland uu bilaabmay xiligii uu Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Arrimaha Dibedda ahaa oo uu hawlo shaqo u tegay dalka Kiiniya.

Warku wuxuu intaa ku daray in inkastoo Kiiniya aya si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka furan doonto xafiis qunsuliyadeed Hargeysa, haddana ilaa hadda aanay u dirin wakiilkeeda halkaa, halka Somaliland ay wakiil ku leedahay Kiiniya.

Geesta kale Dawladda Soomaaliya ayaa u hakisay diyaaridihii Jaadka ka keeni jiray Kiiniya iyo jaadkiiba sababo la xidhiidha arrimo diblomaasiyadeed, isla markaana waxay dawlada Somalia ku eedaysay Kiiniya, wax ay ugu yeedheen soo dhawaynta qaddiyada Somaliland oo dhaawacaysa midnimada Soomaaliya.

Hore ayaa hoggaamiyaha mucaaradka Kiiniya Raila Odinga ugu dhawaaqay in Somaliland mudan tahay in la aqoonsado, isla markaana waxa jiray socdaalo ay Somaliland ku yimaadeen masuuliyiin, Xildhibaano iyo ganacsato, kuwaasoo salka ku hayay sahaminta suuqyo cusub oo ay Kiiniya u hesho bucshuradaha ganacsi ee dalkeeda sida Jaadka, oo Somaliland ka mid tahay suuqyada ugu waawayn ee loo iib keeno, balse aanu imanin Jaadka Miirooga loo yaqaano ee Kiiniya, ka keliya ee yimaadaanna uu yahay Hereriga Itoobiya.

Xigasho Hubaal Media

bandhige@gmail.com