Guddoomiye-Xigeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax wuxu jeediyey khudbad geesinimo leh

 

Guddoomiye-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed-Cadde ayaa khudbad geesinimo leh ย ka ย jeediyey shirkii xalay uu madaxtooyada ku qabtay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo kaas oo lagaga arrinsanayey sidii ay Somaliland ictiraaf caalamka uga heli lahayd isla markaana looga jawaabi lahaa war-murtiyeedkii shirkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay ka soo baxay. War-murtiyeedka qodob ย ka mid ahi wuxu ahaa in midnimada Soomaaliya iyo la sii xoojiyo xuduudaheedana la ixtiraamo.

Madaxweyne Siilaanyo iyo dhammaan xubihii shirkaa ka hadlay oo ย ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Drs Edna Aadan iyo Baashe Maxamed-Cadde ayaa cambaareeyey war-murtiyeedkaas kuna tilmaamay mid la majaro-habaabiyey.

Guddomiye Baashe wuxu tibaaxay in aan loo baahnayn in Soomaaliya lagu tilmaamo in ay walaalaheen yihiin, in loo aqoonsado in ย ay ย cadowga Somaliland ย yihiin, isla markaana la isku diyaariyo dagaal mar kale ay ย suurto-gal tahay in uu ka dhex qarxi karo Somaliland iyo Soomaaliya.

Baashe wuxu ku taliyey in ardayda dugsiyada sare ka baxda loo ย furo shaqo qaran si ay u bartaan qalinka iyo qoriga labada isla markaana u isticmaalaan hadba kii loo baahdo.

Baashe wuxu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la sii adkeeyo isla markanaa la sii dhiso ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Baashe Maxamed-Cadde wuxu ka mid yahay xubnaha Golaha Wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sool, wuxuna caan ku yahay in uu yahay nin aad ugu adag qaddiyadda Somaliland isla markaana mar walba u taagan sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd caalamka.

Hoos ka daawo khudbadda Baashe oo dhammaystiran.