Shimon Peres, madaxweynihii hore ee Israa’iil, oo xaalad culus ku sugan kadib markii faalig ku dhuftay

 

Shimon ย Peres oo ah madaxweynihii Israa’iil eeย kal hore kursiga ka dagay isla markaana 4 jeer oo kala duwan Ra’iisal-Wasaare ka soo noqday Israa’iil ayaa xaalad halis ah ku sugan kadib ย markii uu shalay faalig ku dhuftay. Waxa lagula cararay cusbitaal u dhaw Talaabiib ย oo la yidhaa Sheba Medical Centre. Da’diisu waa 93 jir.

Wiil uu soddog u yahay oo la yidhaaย Raphy Walden isla markaana ah dhakhtarkiisa gaarka ah ayaa sheegay in rajo laga qabo in uu Shimon oo maskaxda dhiig kaga furtay uu ka soo noqon karo koomada uu hadda ku jiro isla markaana sii noolaan karo.

Shimon ย ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay dadkii qaabeeyey siyaasadda Israa’iil isla markaana dhidibadda u taagay dawladda Israa’iil oo uu golaheeda fulinta ka tirsanaa 66 sannadood. Wuxu qoray 11 buug oo uu dhinacyo kala duwan kaga eegayo taariikhda Israa’iil.

Shimon wuxu ka mid yahay dadka laga neceb yahay ย dunida Islaamka iyada oo loo aaneeyo in uu yahay raggii lahaa fikradda deegaamaynta Yuhuudda isla markaana sida joogtada ah u fulinayey bara-kicinta Falastiiniyiinta.

Sannadkii 1993 ayaa isaga, Yaasir Carafaat iyoย Yitzhak Rabin la guddoonsiiyey abaal-marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize kadib markii ay heshiis ka gaadheen nabadda Israa’iil iyo Falastiin. Ayaan-darro, heshiiskaasi muu noqon mid sii waara. Dhibaatadii Yuhuudda iyo Falastiiniyiintuna ilaa maanta way taagan tahay, qulqulkii dhiigguna wuu sii kordhay.

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com