Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo diiday jiritaanka Guddida Xalinta Khilaafaadka, SONSAF-na digniin u diray

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ganafka ku dhuftay guddi ay dhawaan yagleelshay dalladda ay ku bahoobeen jileyaashaย aan dawliga ahayn ee loo yaqaan “SONSAF”.

War-saxaaf uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse ayaa lagu sheegay in dalladda SONSAF aanay lahayn awood sharci oo ay ku abuuri karto guddi ka gar naqda haddii uu yimaad khilaaf la xidhiidha doorashooyinka Somaliland isla markaana xalinta khilaafaadka doorashooyinku ay tahay shaqada ay qabtaan Komishanka Doorashooyinku.

Komishanka Doorashooyinku wuxu ka digay hay’ad kasta oo aan lahayn awood sharci in ay abuuri karto jaho-wareer sababi kara xasillooni-darro, wuxuna SONSAF ugu baaqay in ay faraha kala baxdo awoodda sharci ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Dalladda SONSAF weli wax war ah kama ay soo saarin dhawaqan ka yimid Komishanka Doorashooyinka.

Hoos ka eeg war-saxaafadeedka ay soo saareen Komishanka Doorashooyinku.

 

warqadda-guddida-doorashooyinka