Waxa maanta garoonka diyaaradaha Hargeysa lagu soo dhaweeyey wefti ka soo kicitimay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana deeq caawimo ah u siday dadku abaaruhu saameeyen ee Somaliland
Weftigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ku soo dhaweeyey guddida abaaraa Somaliland oo uu hor kacaayo wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafka Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley waftigana ku soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxaanu yidhi:
“Waftigan ka yimid dalka Soomaaliya ee deeqda u sida dadkeenu abaaruhu saameeyeen waa dareen walaltinimo oo runtii halkan mahad balaadhan uga jeedineyno, waa walaalaheen oo inoo soo gurmadey isla markaana u adkeysan waayey muuqaalada ka soo baxay warbaahinta kala duwan. Runtii waa jawaab deg deg ah oo aad u qiimo badan waxaana maanta aanu halkan ku soo dhaweenaynaa dareen ka yimid guud ahaan dawlada iyo shacbiga rer Soomaaliya.”
Sidoo kale waxa weftigan u hadlay Guddoomiyaha beelaha Hawiye ee dalka Soomaaliya Maxamed Xassan Xaad waxaana u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado dalka Somaliland isla markaana lagu soo dhaweeyo Hargeysa waxaanu yidhi:
“Waad ku mahadsan tahiin marka hore soo dhaweynta diiran ee aad noo sameyseen anagu waxanu nahay sida aad la socotaan wafti ka soo kacitimay dalka Somaliya oo isagu jira ururada bulshada qeybaheeda kala duwan , hogaanka dhaqanka , culmo aw diinka iyo haween. Dareenkayagu waxaa uu ahaa in aanu idin soo gaadhno waan ka tacsiyadeenaynaa in aanu idinka soo daahnay lakiin hadna waanu nimid socodkana ma noqon doono kii ugu horeeyey balse waa mid dhiig joojin ah , waxaana aanu diyaar u nahay in aanu idinla qeyb sano xanuunka abaaraha idin haysta allehna waxaan ka baryaaya in uu inaga soo gaadho abaaraha.”