Hordhac:
Waxaan halkan kusoo bandhigi doona qormooyin taxane ah oo ku saabsan dabayshii isbedel doonka “UFO” ee ka curatay Hargeisa 1978 – 1982, ujeedooyinkii loo asaasay halgankaasina waxay ahaayeen in dadka iyo dalkaba caawiyaan, kana dhiciyaan dhibtii iyo horumarinta dalka.
Waxa halgamayaashi hormoodka ka ahaa: Eng. Maxamed Baruud, Professor Axmed Dhabacul “Jabane”, Dr. Aadan, Dr Taani, Axmed Xuseen Caabi, Dr. Colaad iyo qaar kale oo aan gadaal ka sheegi doono.
Waxyaabahii ay ka qabteen dhakhtarka Hargeysa iyo dhakhtarka TB-da ayaa waxa ka mid ahaa nafiitin, caawin baahiyaha iyo waxa kale oo ay soo saari jireen jariidada qarsoodiga ah “Secret Newsletter “ oo la odhan jiray UFO. Sidoo kale waxay qabteen kicintii dareenka shacbiga mar ay weftigii Siyaad Barre soo diray ay ka mid ahayeen Axmed Sulaymaan Dafle, Axmed Siilaanyo, Axmed M Faarax “laxwas” iyo Jaamac Gaas Mucaawiye.
Ka dib markii weftigaasi soo gaadheen Hargeysa waxay shirk la yeesheen ganacsatada, odayaasha iyo xubno ka socday UFO, shirkan ayaa waxa u ka dhacay Hargeisa Officers Club.
Hadaladii Dr. Aadan, Dr. Taani, Prof Jabane iyo gunaanadkii lagu kala kacay ee Xaaji Basbaas Cismaan Food.
Faysal ayaa waxa safar kaga soo kicitimay Muqdisho oo k yimid Hargeysa, xidhiidhka shaqo, saaxiibtinimo iyo xididnimo ka dhaxaysay Jeneraal Gaani iyo Faysal.
Eng. Faysal waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Prof. Axmed Dhabacul “ Jabane”, Eng Maxamed Baaruud iyo Dr. Colaad oo markaa ahaa qorayaasha iyo qaybiyaasha jariidadda “UFO”. Shirkaas waxyaabihii uu Faysal u soo bandhigay way ku gacan saydheen.
Eng. Faysal iyo saddexdaa halgame ee gaarka loogu diray waxay kasoo wada jeedaan isku hayb guud (Garxajis).
Xadhagii ugu horeeyay ee aasaasayaashii UFO waxa loogu hor xidhay Prof, Jabane iyo Eng. Maxamed Baruud 2-dii bishii kow iyo tobnaad ee sannadkii 1981, xadhigii ku xigayna waxa la xidhay 39 aqoonyahan oo uu amarka bixiyey Axmed Sulaymaan Dafle oo ahaa in aan la toogan aqoonyahanada la xidhxidhay ilaa Maxkamad la hor keenayo.
Xukunkii Maxakamaddu waxa uu dhacay 28-kii bishii labaad ee sannadkii 1982-kii oo ahaa mid lagu xukumay xabsi daa’inkii “Life sentence “.
Intaas ka dib waxa bilaabmay kacdoonkii bulshada iyo dhagaxtuurkii oo ahaa bilogwii halagnka SNM iyo jeelkii labaatan Jirow (Solitary confinement ).
Xubanaha loo adeegsaday basaasinimda UFO waxa hormuud ka ahaa Eng. Faysal Cali Waraabe, Aadan Cali Gudahaad “Aadan Wali” iyo Cabdi Laangadhe.
Cadaymaha aan soo bandhigi doona waxa ka mid ah:
- “ Copy of Affidavit “ ay saxeexeen Aadan Cali Guhaad iyo Cabdi Laangadhe oo ay ku markhaati furayaan kooxda “UFO”, labadaa Marxuum tolkood “Ciidagale” ayaa Soomaali dibedda uga saaray oo Maxkamadda kamay soo xaadirin, markhaatina may furin.
- Copy of Assgeno Circulare “ Jeega Wareega”oo ay ku dhigantahay Soomaali Shilin 40,000 (una dhiganta $ 6,350 at the rate of US 1 = So.Sh 6.3). Jeega Wareega waxa ku qoranaa Eng. Faysal Cali Waraabe waxaana ku saxeexnaa Jeneraal Gaani.Waxa la filayaa inuu Faysal lacagtaas u qaybiyay Aadan Wali iyo Cabdi Laangadhe oo deegaan kasoo wada jeedaan.
Qormooyinka soo socda waxaynu ka dheehan doontaan tafaasiisha dhacdooyinkaas kor xusan iyo cadaymahooga oo ku lifaaqnaan doona.
Drs Hoodo Yusuf . UK, London.
Yhoodo @yahoo.com