Erdogan oo ka cadhooday hadal ka soo yeedhay Obama

Madaxweyne Obama ayaa waxa uu dalka Turkiga ku eedeeyey in ay baabaโ€™day xoriyadda ay saxaafadu ku gudun jireen hawl-maalmoodkooda, hadalkana ayaa waxa u ka cadhaysiiyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in mawduuca xoriyadda saxaafadda aysan ka wada hadlin uuna aad uga xumaaday in Obama uu soo hadal qaado mawduucaas isaga oo maqan.

Obama ayaa Jimcihii sheegay in ay dhibaato tahay sida Turkigu uu ula dhaqmayo saxaafadda; arrintaasna uu si toos ah ugala hadlay Madaxweyne Erdogan.

Labada masuul ayaa wadahadal gaar ah yeeshay intii uu socday shirkii Nukliyeerka ee todobaadkii hore.

 

bandhige@gmail.com