Dibed-baxayaal gadoodsan ayaa gubay safaaradda Sacuudigu ku leeyahay Eeraan

Xukuumadda Sucuudiga oo dil ku fulisay 47 qof oo lagu helay in ay lug ku laahaayeen ficillo argagixiso oo dalkaas ka dhacay intii u dhaxaysay 2003-dii ilaa 2006-dii. Dadkaas oo ka soo jeeda shiicada Sucuudiga ayaa waxa ku jira sheekh caan ah oo magaciisa la yidhaahdo Sheekh Nimr Al Nimr.

Sheekh Nimr oo lagu eedeeyey in uu isku dayey mijo-xaabinta xukuumadda Sucuudiga iyo in la qabtay isaga oo haysta hub sharci-darro ah. Muu diidin eedaymihii siyaasiga ahaa hase ahaatee wuxu sheegay in aanay run ahayn in uu hub haystay.

Dibbed-baxayaal ka gadoodsan dilka Sheekha ayaa waxay gubeen safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Eeraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen xubno ka tirsan kooxda u tababaran sida milateriga oo dhismaha safaaraddaasi ee magaalada Tahraan ku tuuraya bambooyin laga sameeyay batrool, halkaasi oo ay dibed-baxayaashu burburiyeen alaabtii taalay dhismaha safaaraddana ay dab qabadsiiyeen ka hor inta booliska Eeraan aanay kala eryin dadkaasi.  Wararku waa ay iska soo daba dhacayaan laakiin weli lama soo sheegin khasaare nafeed.

Dawladda Eeraan ayaa waxay cambaareysay dilka dadka shiicada ah ee Sucuuudigu shalay laaley.

47-ka qof ee uu Sucuudigu shalay khaarajiyey waxa ay ka soo kala jeedaan waddamo kala duwan. Dadka caanka ah ee ku jiray waxa ka mid ah Faris al-Zahrani oo xukuumadda Sucuudigu ku tilmaantay in uu ahaa ninkii Al-Qaacida Sucuudiga u fadhiyey. Wuxu xidhnaa muddo aad u dheer ka hor intii aan shalay loo dhammayn. Waxa iyaguna dadka la khaarajiyey ka mid ahaa waddamada Masar iyo Jaad.

Xidhhiidhka Eeraan iyo Sucuudiga ayaan wanaagsan sabab la xidhiidha loollan ay ugu jiraan awoodda gobolka bariga dhexe, arrintaasi oo sii hurisay colaaddda mad-habta ku salaysan ee ka jira laga billaabo Yaman ilaa Suuriya.

Dhacdadan ugu dambeysay ee dilka sheekha ayaa ah mid sii fogayn karta cadaawadda u dhaxaysa labadan mad-hab ee ku abtirsadaan labadan dal.

bandhige@gmail.com