Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Gobolka Sanaag Ayaa Saaka Bilaabantay

Diiwaan galibta codbixiyaha gobolka Sanaag ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaan goobihii Komishanka Doorashooyinka Qaranku u asteeyay inay ka qabsoonto.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayya oo maalmahanba safar shaqo ku joogay caasimada gobolka sanaag ee Ceerigaabo ayaa soo kormeeyay goobaha diiwaan galintu ay ka socotay.

Gudoomiyaha gobolka sanaag oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay si habsami ah u bilaabantay diiwaan galintu isla markaana shacabka ugu baaqay inay dadka martida u ah ee gobolada kale ka yimi soo dhaweeyaan. Intaa ka dib madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ku booriyay dhamaan shacabka reer sanaag inay mug leh uga qayb qaataan diiwaan galintaa saaka bilaabantay.20160716_09171620160716_092011