Wefdi wasiiro ah iyo weriyihii HCTV ee ku xidhnaa Jigjiga oo ku soo guryo noqday Somaliland

Weftigii uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali  Maxamed Waran Cadde oo  ay wehelinayaan  Wasiirka Wasaarada Warshadaha,  wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknolojiyada, Agaasimaha Wasaaradda Madaxtooyadda iyo weriyihii HCTV oo ku xidhnaa magaalada Jigjiga  ayaa waxay shalay soo gaadheen Wajaale.

Weriyahan oo ay ciidamada liyuu Booliska  ka qaateen magaalo xadeedka Wajaale ayaa muddo ku xidhnaa magaalada Jigjiga kaasi oo waftigu ay kala hadleen siidayntiisa Madaxweynaha  iyo  madaxda dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wariye Mukhtaar  oo ka mida  shaqaalaha HCTV ayaa shalay galabta iyada oo ay galbinayaan weftigan wasiirada ahi si diiran dadweynuhu  ugu  soo  dhaweeyeen magaalada Wajaaye halkaasi oo ay dadweyne  badan  oo in muddo  ahba sugaayey  soo deynta   Mukhtaar  ku qaabileey   farxada sacab  iyo shucuur aad u saraysa.

Weriye Mukhtaar ayaa sheegay in ciidamada iyo madaxda dawlad deegaanku  ay si wanaagsan ula dhaqmeen intii u ku xidhnaa Jigjiga. Dhinaca kale wasiirka  Arrimaha Guddaha Somaliland oo magaalada wajaale  kula hadlay dadkii soo dhaweeyey  weriyahan  ayaa sheegay  in ay  maanta  farxad  u  tahay isla markaana ay maanta reer Wajaaye  iyo shacbiga Gabileyba  ay ka guddoomaan wariye Mukhtaar oo  in badan warbaahintu  ku wareerisay soo dayntiisa.

Weftigan ayaa waxa shirar la qaateen madaxda Dawlad Deegaanka Itoobiya oo ugu horeeyo Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar  intii ay ku sugnaayeen.

Kulamadan ayaa waxa looga hadlayey sii daynta weriye Mukhtaar  iyo sidoo kale xoojinta xidhiidhka labada dal.

bandhige@gmail.com