Madaxweyne Siilaanyo oo la shaaciyey in uu badqabo

Inqilaab dhici-soobay oo xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Turkiga Recept Erdogan ayaa waxa fasax gaaban dalka Turkiga ku joogay Madaxweyne Siilaanyo.

Barta uu ku leeyahay Face Book-ga xafiiska afhayeenka ayaa waxa lagu baayiyey in uu Madaxweyne Siilaanyo badqabo.

Qoraalka xafiiska Afhayeenku baahiyey ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

War Deg-deg ah: Sida aynu la wada socono waxa Dalka Turkiga caawa ka dhacay Inqilaab ay ciidamada dalku fuliyeen sida uu xaqiijiyey Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim,

Hadaba waxa halkaasi ku sugan oo xalay gaadhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo sidii aan hore u sheegay arimo shaqsi ah u tegay dalkaasi balse madaxweynaha wax dhibi kama soo gaadhin Arrinkaa waxaanu ku sugan yahay magaalo ka.durugsan Ankara iyo Istanbuul”

Cabdiraxmaan Sh Cilmi Faahiye
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

JSL

bandhige@gmail.com