Qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda ayaa waxa saaka si rasmi uga bilaabantay Gobolka Awdal.
Hore waxa looga qabtay diwaangelinta codbixiyayaasha Gobolka Togdheer oo ay soo dhamaatay, Awdalna waa gobolka labaad.
Guddiga Doorashooyinka ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay habsi socon lahayd diwaan-gelinta codbixiyuhu oo ka socon doonta gobolka Awdal muddo 28 cisho ah.
Diwaan-gelinta codbixiyaha ayaa ah mid ku xidhan dhinaca Internet kaas oo goobaha badankoodu yihiin qaar ku xidhan Server yaala xarunta guud ee komishanka Doorashooyinka.
Guud ahaan internetka waddanka oo marar ay dhacdo in uu goโ ayaa waxay ka la mid ah ciladaha u yara yimaada goobaha diwaan-gelinta codbixiyayaasha.