Cirro iyo Cabdiraxmaan Aw Cali oo kulan qado ah wada yeeshay iyo nuxurka ay daaran tahay

????????????????????????????????????

Kulan qaddo ah oo shalay kuwada yeesheen Boorama Guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Kulankan qadada ah oo u jeedkiisu ahaa mid is-xog-waraysi ah ayaa sida oo kale waxa ka soo qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weliba sida oo kale siyaasiyiin, wax-garad, aqoon-yahan iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal.

Siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay, ayaa Guddoomiye Cirro iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey Boorama.

Madaxweynahii-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminaayo Guddoomiye Cirro, isaga oo ku dheeraaday xidhiidhka ay leeyihiin isaga iyo Cirro.

Guddoomiyahaย  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad-weyn u tahay in maanta ay kulan qadeed wada qaataan Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ย ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, isaga oo sheegay in kulankani uu kaliya ku eekaa is-xogwaraysi ku saabsan siddii looggu wada diyaar garoobi lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Somaliland, isla mar ahaantaana ay u wada diyaar garoobayaan siddii loogga shaqeyn lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka.

Guddoomiye Cirro ayaa waxa uu gabgabadii hawada ka saaray tuhunno sheegaya in ay uu Cabdiraxmaan Aw Cali ku biirayo Waddani oo beryihii dambe suuqa la isla dhexmarayey.

bandhige@gmail.com