Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Egypt Air oo la sheegay in bom saaran yahay ayaa waxa si deg deg ah loo fadhiisiyey Usbekistaan

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Egypt Air oo ka soo kicitimQaahira kuna socotay Beijing ayaa waxa si dhakhso loo fadhiisiyey Usbekistan kadib markii laga shakiyey in uu bom saaran yahay diyaaradda.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa nooca waaweyn oo numberkeedu yahay A-330-220 ayaa waxaย  la fadhiisiyey duulimaadkeed kadib saddex saacadood magaalad Urgench oo u jirta caasimada Usbekistan 600 mayl.

Diyaaradda rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo dhammaa 135 ayaa waxa laga daad-gureeyey diyaaradda iyagoo badqaba.

Shakiga diyaaradda ayaa waxa sababay kadib markii saraakiish dawladda Masar la soo hadleen diyaaradda una sheegeen in bom saaran yahay diyaaradda.

bandhige@gmail.com