Qarax loo adeegsaday baabuur ayaa waxa beegsaday xarun boolisku ku leeyahay magaalada Kurdiyiinta ku badan yihiin ee Midyat, ee ku taala koonfur bari ee Turkiga.
Raysal-wasaaraha dalkaasi Binali Yildirim ayaa sheegay in saddex qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliska lagu dilay weerarkaasi. Sidoo kalena In kabadan 30 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.
Magaalada Midyat ayaa u dhow xudduudda dalka Suuriya ee ay colaadda ka socoto.
Koonfur bari ee Turkiga ayaa waxaa ka socday rabshado tan iyo markii uu burburay heshiis xabbad joojineed oo u dhaxeeyay dawladda iyo mintidiinta Kurdiyiinta sannadkii la soo dhaafay.
Waxaa dhulkaasi ka dhacayay weerarro lagu eedeyay kooxda PKK.
Qaraxani ugu dambeeyay ayaa yimid maalin uun kaddib markii shalay qarax lala beegsaday bas ay saarnaayeen ciidamo boolis ah gudaha magaalada Istaanbuul, halkaasi oo ay ku dhinteen 11 qof.