Shirkada Telesom waa shirkad gaar loo leeyaha, waana shirkad isgaadhsiin oo ka shaqaysa cariga Jamhuuriyada Somaliland waana shirkad run ahaantii aad u horumarisay oo aad looga shaqeeyay, kana haqab tirtay shacabka Somaliland baahida ay u qabeen wada xidhiidhka iyo isla socodka haday noqoto wada-hadalka, Internet-ka iyo wararkaba.
Sidaa awgeed bulshada ku nool mandiqada Somaliland waa dad Islaama boqolkiiba boqol, Diinteena Islaamka ee suuban waxay inoo jidaysay wado aynu wax ku kala iibsano ama aynu wax isku waydaarsano oo la yidhaahdo axkaamta iibka iyo macaamilaadka.
Qof ka bi-aadanka markaad wax kala iibsanaysaan waxa shardi ah in aad waxa cad aad kala iibsataan oo aan mugdi ku jiri raalina aad ku kala tihiin.
Arrintaasiย masamayso shirkada Telesom hadaynu eegno dhinaca ku shubashada qof kasta oo isticmaala wuxuu ku shubtaa lacag ku hadal ah oo xadigeedu ugu yaryahayย 0.12 cent lacagtaa markaad ku shubato shirkadu waxay kuu soo diraysaa fariin kuu sheegaysa lacagta aad ku shubatay, hasa yeeshee kuuma sheegaysoย inta wakhti ee aad isticmaali kartid lacagtaada, halkaa waxa ku jira mugdi sharadkii wax kala iibka uu ka maqan yahay.
Reer Nabiyullaahi Shucayb NNKH Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu ku cadaabay in ay miisaanka nusqaamin jireen oo markay iibinayaan laakiin iyagu waxa ay soo iibsanayaa way soo dhamaystiran jireen xataa siyaado ay odhan jireen waa hagaajin ayay soo raacsan jireen. Arrintaas oo kale ayay samaysaa shirkada Telesom oo markaad lacag sidatid Somaliland shillings waxay kuugu xisaabinaysaa sarifka suuqa in ka saraysa.
- Arrinta kale ee shirkada Telesom ay samayso waxa kamid ah lacag ku shubashada oo ay u kala qaybisay: 1. Qayb ku hadal ah oo lagu magacaabo (E-vouche)
- Qayb ku isticmaalka mareegaha isku xidhka dunida oo lagu magacaabo (Internet), mid walba goonidiisa ayaad lacagtaa ugu shubanaysaa, markuu kaa dhammaato lacagtii Internet-ka waxa uu isticmaalayaa tii ku hadalka oo uu ku isticmaalayo xawaare aynaan qiyaasi karin kuumana sheegayso, sida saxda ah waxay ahayd in uu mid walba goonidiisa ahaado ama aad in isku xadiya aad wada isticmaasho ileen lacagtaadu waa isku mid.
Anigaygan maqaalka qoray ayay arintaasi igu dhacaday markaan shirkada u tagay ee aanย waydiiyay siday arrintaasin ku dhacday?
Nin aan umalaynay in uu Sheeekh yahay oo xafiiska fadhiyay ayaa iigu jawaabay hawaday raacday, oo sistemka waan hagaajinaynaa. Markaas ayaan ku idhi sistemka iyo isticmaalkiisa idin lama lihi ee kliya wax baad iga iibiseen ee waxaad iga iibisay wax cadaan ah ha noqdo, ileen idinkuba markaad lacagta qaadanasiin haday wax ka dhiman yihiin waad ku celisaan oo soo dhamaystiro ayaad tidhaahdaan, markay lacag ku qaldanto qof kale maynis ayaad daba dhigtiin oo markuu ku shubto ayaad ka jartaan, ee Illaahiina idin abuuray ka baqa sidaad uga dhamaystiranaysiin ugu dhamaystira qofkaad wax ka iibinaysaa.
Waxa cajiib ah oo layaab leh shirkada Telesomย in ay sameysatay xafiisyo ay ku magacawday (latalinta arrimaha shareecada) oo ay fadhiisisay culimo baladkaย oo qaarkood ay dadka wacdiyaan masaajidadana ayย ka khudbadeeyaan, oo qaarkood markaad ku soo hadal qaadoย arrimaha shirkada Telesom ay kuugu jawaabayaan inagadaa arrimaha shirkada.
Waxa Qoray: Xuseen Maxamed Cige
Email. zahraawi2011@gmail.com