Donald Trump oo ka hadlay siyaadiisa arrimaha dibedda

Musharaxa ugu cad cad xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ka hadlay siyaasadiisa arrimaha dibedda haddii uu ku guulaysto jagada Madaxweynenimada Maraykanka ee dhici doona sannadka dhammaadkiisa, isagoo haatan ku jira tartanka isreeb-reebka xisbiga dhexdiisa oo dhowaan lagu dhowaaqi doono musharaxa jagadda Madaxweynenimo u tartama doona.

Mar u wareysi la yeeshay jaraa’idka Newyork Times waxa u sheegay in uusan ahayn gooni u goosad

Balse waxa uu sheegay in uu ka walaacsan yahay qaabka Maraykanku ay u isticmalaan wadamada saxiibadiisa ah.

Donald Trump ayaa intaasi ku daray in uu dhammaan joojini doona shidaalka Maraykanka u kasoo iibsado Sucuudiga, waxaanu arrintaas shuruud uga dhigay in uu Sucuudigu ciidamo u diro Suuriya.

 

bandhige@gmail.com