Somaliland: Zaad barar, sixir barar mise sarif barar (W.Q: Jaamac Axmed Jaamac)

Hordhac:

Haddaad tahay muwaadin reer Somaliland ah waxa mar walba dhegahaaga ku soo noq-noqda ama noloshadaa maaliyadeed si toos ahba u saameeya kalmedaha kala ah doolarkii baa kacay/dhacay iyo sixir barar baa jira.

Marna ma is weydiisay waa maxay sixir barar? Maxaase u sabab ah in doolarku marna hoos u dhaco marna kor ukaco?  yaa ka danbeeya ama waa maxay sabata dhabta ah ee ay u dhacaan arimahaasi?

Hadaynu isku dayno in aynu ka jawaabno arrimahaa aan ka bilowno su`aasha koobaad ee odhanaysa waamaxay sixir barar?

Sixir baraku waa  qiimaha oo kor u kaca si aan hoos u dhac lahayn, iyadoo ay kor u kacaa ay sababaan inta badan laba arrimood:

  1. In dalabaadka badeecadaha kala duwan ee ay bulshadu dalbadaan ay aad u badato,(Demand pull Inflation), taasoo oo ay keenayso iyagoo hayntooda dhaqaale korodhay si kastaba ha ku korodhee. taasi waxay sabab u noqonaysaa in ay kala bataan dalabka iyo alaabta suuqa iibka taal taasina ay keeno in qiimaha alaabooyinku kor u kacaan.
  2. In shirkadaha kharashku ku kordho, ( Cost push Inflation) iyaguna ay kharashkaa kordhay u gudbiyaan dadka wax ka iibsada, tusaale ahaan, mushahrka ay bixiyaan oo ku kordha, taasi waxay keenaysaa in kharashii shirkadu kordho si ay kharashkaa u dabooolaan waxa kordhinayaan qiimaha alaabta ama adeega ay shacabka ka iibiyaan.
  3. In dawladu soo daabacdo lacag.

Haddaba waynu sheegnay saddex nooc ee sixir bararka ee la isla waafaqsanaa adduunka,  aan bar-bardhigno xaaladda dalkeena ka jirta, qodobka koowaad ee odhanaya in dalabaadka alaabtu bato in ay keento sixir barar waa mid laga dareemi karo waayadii u danbeysey geyiga Somaliland, iyadoo ay u sabab tahay horumarka laga gaadhay dhinaca isticmaalka iyo qaadashada lacagaha, sida adeegyada Zaad iyo E Dahab oo suurto geliyey in uu bato iibsiga dadku, halka markii hore ay wakhti qaadan jirtay in dad badani si degdega wax u iibsadaan taasin ay fududaysay wax iibsigii, halka ay dhibaatadoodu tahay boqolkiiba tiro yar oo aan badnayn ay sababaan sixir barar.

Arrinta labaad ee iyaduna qayb weyn ka qaadatay sixir bararka ka jira Somaliland waxa ay tahay in dawlada Siilaanyo ay soo daabacday lacago badan, taasoo keentay qiimo dhaca lacagta Somaliland.

Haddaba qodobka ugu muhiimsan ee uu maqaalkaygani daaran yahay wuxuu yahay sarif barark iyo adeegsiga labada lacagood ee Dollarka iyo Laanta dhibaatada weyn ee ay ku hayaan dhaqaalah dalka.

Saamaynta isticmaalka labada lacagood ee  dollarka iyo laanta

Somaliland waxay ka mid tahay dalalka aan keliya isticmaalin lacagtooda ee isticmaala lacagta qalaad ee loo yaqaan Dollarka, taasi waxay sababtay in dad aad u tiro badan oo muwaadiniin ahi ay haystaan lacagta doolarka si kastaba ha ku soo gashee, halka tiro aan ka yaraynina ay haysato lacagta dalka ee loo yaqaan Somaliland shilin, dhibtu waxay ka timi labada lacagood waxay u baahan yihiin in la isku bedesho ama waxa aynu u naqaano sarif, haddaan halkaa kuu sii iftiimiyo sarifkuna bilaash maahee ragbaa u soo shaqo tagey in ay ka faa’iidaan siday isugu bedeli lahaayeen labadaa lacagood, iyagoo faa’iido ka helaya lacagtiina u bedeley alaab la kala iibsado, taasi waxay keentay waxaan ugu yeedho Sarif barar oo ka timaada in sarifluhu si uu uga faa’iido uu marka suuqa doolarku ku yar yahayna uu qiimo sare ku iibiyo, laantuna qiime hoose noqoto, marka Laantu  suuqa ku yar tahayna uu laanta qiimo  sare  ku iibiyo doolarkuna qiime hoose noqdo.

Halkaa waxa ka dhalatay in bulshadu marba qaybi ay dareento sarif bararka, maadaama oo ay u kala qaybsan tahay qayb lacagta laaanta ee dalka u qaata mushahar ahaan, iyo qayb lacagta doolarka ee qalaad mushaharka ku qaata ama biil ahaanba u qaata, marka doolarku kacsan yahay waxa ku dulman oo dhacan qolada mushaharkooda ku qaata lacagta dalka, dadkaas oo u badan dadka maxaysatada ah oo ay ka mid yihiin shaqaalaha dawlada iyo xoogsatada muruq maalka ah, sidoo kale marka laantu kacsan tahay oo aan marar badan ahayna waxa dhacan qolyaha doolarka wax ku qaata sid a qolyaha debedda lacagaha looga soo diro iyo shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha ama ururada maxaliga ah.

Si aad ay macno dheer ugu samaysno aragtiyahaygan aan halkan ku soo gudbiyey oo aay taageerayaan cilmi baadhis aan dhowaanku samayeey arrintan, waxa ii soo baxay in labada lacagood( Duall Currency ) ee aynu isticmaalaa ay u sabab yihiin sarif baraka iyo saamayntiisa uu ku leeyayahy dadka isticmaala lacagta dalka iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland. Waxaad ka raacankartaa cilmi baadhistaa, buuga magaciisu yahay,  Jama , A, jama (2015) The impact of exchage rate on government employees in Hargeysa Somaliland. oo aad ka heli karto Jaamacada Hargeysa kuliyadda dhaqaalaha ama aad aniga igala soo xidhiidhi kartid, dhowaana aan soo gelin doonao baraha internetka.

Waamaxay sarif Barar?

Sarif bararku waa marka sariflayaashu ay qaali gareeyaan inta ay ku sarifayaan lacagta laanta  iyo doolarka, taas oo sababta  in ay labada lacagood midkood hoos u dhacdo oo ay goyn weydo wixii ay hore u goyen jirtay ayna timaado in si aad hal shay u iib sato aad lacag dheeraad ah ku dartid maadaama oo shaygaa intii hore lacag ahaan u goyn jirtey aanay maanta goyneyn.

Xalku muxuu yahay?

Xalka keliya ee lagaga bixi karaa aafadan oo khatar weyn ku haysa dhaqaalaha iyo nidaamka Maaliyaddeed ee dalka, dhibaato soo noq-noqotayna ku ah bulshada Somalilalnd, waa in la mabnuuco isticmaalka lacagta doollark gebi ahaan tiiba lacagta keliya ee dalkuna ay noqoto lacagteena landta si looga maarmo sarifka loogana baxo Sarif bararka.

Maadaama oo in doolarka la mamnuucaa maanta aanay fududeyn sababo jira dartood waxaanan ku talin lahaa:

  1. In la dardar geliyo barnaamijkii ay dawlada iyo shirkadaha lacaguhu ku heshiiyeen ee ahaa in la dhiiri geliyo isticmaalka lacagta dalka.
  2. In laga fadhiisto sidii mustaqbalka loo joojin lahaa isticmaalka dollarka.
  3. In sarifku maanta halkaa lagu joojiyo inta xal waara laga gaadhayo, laguna soo rogo in cidii maanta halkaa uu joogo wax ka badan ku sariftaa ay dambi gashay sharcigana la mariyo iyadoo shuruuc adag loo sameeyo.

 

Reference

Jama, A, Jama (2015) The impact of exchange rate on Government employees in Hargeisa, Somaliland.

 

Jaamac Axmed Jaamac

Dhaqaaleyahan Hargeysa, Somaliland.

E mail. jdafac12@gmail.com

Phone: 063-4730821