Hab-dhaqanka qoyska Q. 1aad (WQ: Sucaad Sheekh Axmed)

Muhimada arrintan ayaa waxay tahay ma is waydiisay, inta badan qoysaskeena Soomaaliyeed xil gaar ah iskama saaraan in wiilka iyo gabadha labaduba isku taxalujiyaan qaabkii uu qof walba qofka kale qalbigiisa u kasban lahaa ama u abuuri lahaa jacayl iyo kalsooni dhex marta qoyska cusub, sheekadu ayaamaha hore farxad iyo raynrayn iyo kalsooni xad dhaaf ah ayey ku bilaabataa kadibna tartiib-tartiib ayey hoos ugu dhacdaa ilaa nolosha reerku isku badasho mid dhib badan oo ku astaysan maahmaahdii odhanaysay:

“Nin iyo naagtiis colna maahan nabadna maahan.”

Dagaal, canaan iyo cadho joogta ah kadibna laga yaabo in qoyskuba burburo, hadduu dhisnaadana wuxuu soo saaraa carruur ku kortay jawi colaadeed oo aan daganayn, taasoo dhaqankooda saamaysa, wixii ay qoyskooda ka barteen ayeyna bulshada kula dhaqmaan waana dhibaato u soo hoyanaysa ummadda oo dhan.
Haddaba qodobadan soo socda ayaa na tusaya muhimada in labada qof ku noolaadaan jacayl iyo isku kalsoonaan:-

  1. Haddii aad u dhuuxdo aayada Qur’aanka ah ee Alle uga hadlay isjacaylka dhexyaal qoyska oo sheegaysa in caalaamadaha waaweyn ee jiritaanka Alle lagu garan karo ay kamid tahay in uu raga u sameeyey haween ay isku jinsi yihiin oo xaasas u ah, wuxuu Illaahay ka dhigay sababta uu qoyska u sameeyey in ay tahay in aan ka helno xasilooni aan ku dagno oo dhibaatooyinkii adduunka oo dhan aan uga raaxaysano jir iyo nafsi ahaanba, wuxuu kale oo Illaahay sheegay in  uu ina  dhex dhigay jacayl iyo isu naxariisasho, haddaba haddii arrimahaas la waayo oo qof walba is yidhaahdo qofka kale ka cadgooso ama iska dhici ama shaki iyo is dhaleecayn joogto ahi timaado waxay noqonaysaa in macnihii guurka Illaahay  ugu talo galay oo dhan meesha ka baxo waana guul daro.
  2. Sidoo kale haddaad u fiirsato dhaqankii Nebi Maxamed NNKH iyo xaasaskiisii waxaad ogaanaysaa in ay udub dhexaad u ahayd is jacayl is qadarin, isu naxariisasho, waxaanan ku amran nahay in aan ku dayano dhaqankiisii NNKH, waana in aan daraasayno hab dhaqankaas kuna dabaqno nolosheena.
  3. Waxaa kale oo ay ku tusaysaa mawduucan muhimadiisa sida shareecadu u qaadaa dhigtay oo ugu samaysay qawaaniinta iyo nidaamka aan qaybo kamida ah kaga hadli doono qormooyinka damb haddii Alleh yidhaahdo.
  4. Caqliga saliimka ah ayaa ku tusaya muhiimada arrintani leedahay, maxaa yeelay marna ma sina in reerka is jacayl, isqadarin iyo xurmo ku noolaado iyo in lagu noolaado nolol dhibaato leh, xataa haddaan dhibaato jirin oo qof walba masuuliyadiisa ka soo baxo laakiin aan xiiso iyo kalgacal jirin ayaaba culays ah.

Lasoco qaybta danbe …………..

 

Waxa qortay: Sucaad Sheekh Axmed
Email : sucaadshahmed@gmail.com