Muranka UCID oo mar kale cirka isku shareeray

Muranka u dhaxeeya Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Xusen iyo musharaxa Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen oo inta badan ku war-helaya wararka ay warbaahinta isku marayaan ayaa waxay maanta marka cambaarayn iyo didifayn isku mariyeen warbaahinta taasi oo uu Guddoomiye Faysal uu raali-gelinta ka bixiyey cambaarey uu Jamaal Cali Xuseen ku cambaareeyey Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ganacsade Maxamed Aw Siciiid Geedi in ay hurinayaan khilaafka xisbiga UCID.

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Jamaal Cali Xussen aanu ahayn musharaxa  madaxweyne ee xisbigaasi UCID, balse ay u taalo in ay golaha dhexe doortaa musharaxa Madaxweyne oo doorashada 2017, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Jamaal Cali Xussen  ma aha musharax yaa idinku yidhi waa musharax, maalintii aanu musharaxa ka dhignay xisbiga maanu ahayn  haddii uu musharax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa laakin waxaan sheegayaa Jamaal wakhti xaadirkan maaha musharaxa doorashooyinka uga qayb galaya xisbiga UCID.”

Dhanka kale musharaxa  Madaxweyne ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka jawaabay hadalka ka soo yeeshay Faysal Cali waraabee ayaa waxa uu aanu afkiisa kaga qaadi karin xilkiisii musharaxnimo isla markaan Faysal uu yahay shaqsiga loo adeegsanaayo burburinta UCID .

Jamaal Cali Xuseen  oo arrimahan  ka hadlayaan waxa uu yidhi:

“Arrinta khilaafka xisbiga UCID waxaanu la tagi doona dhinca sharciga, haddii uu  sharcigu noo shaqeyn waayana  waxay nagu kalifeysaa waxii rag sameyn jiray in aanu sameyno qofka ibnu aadamka ah haddii la dhibo oo gar daro loola tago waxbuu iska celinayaa.”

Isagoo Jamaal hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Markaas Faysaloow adiga iyo kuwa dabada kaa soo riixaya ee Muuse Biixi iyo  Maxamed Aw Siciidna waanu iska celin doona, adiguna guddoomiye noo noqo meysid  Faysal Cali Waraabna. Wixii rag iska yeeli jiray ayaanu iska yeeli doonaa.”

Xisbiga UCID ayaa waxa uu ku caano maalay in ay Guddoomiyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Murashaxa Madaxweynuhuba iska daawadaan shirarka jaraa’id ee ay qabtaan iyagoon iska warhayn.

Khilaafkan ayaa waxa uu muddooyinkii dambe ahaa mid huursan oo hadal hayntiisu yarayda balse imika waxa uu noqday mid soo shaac baxay ka dib markii ay warbaahinta isku mariyeen hadaladan.

Halkan hoose ka daawo muqaalka shirarka jaraa’id ee ay qabteen Jamaal iyo Faysal:

bandhige@gmail.com