Dooddii koowaad ee murashaxiinta Maraykanka oo berri la qabanayo wakhti dhibacaha tartankoodu aad isugu dhaw yihiin

 

Berito oo Isniin ah ayaa la filayaa in ay dhacdo dooddii labada murashax ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga taas oo muddo dheer la sugayey. Dooddani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu madaxa la soo kacay murashaxa Jamhuuriga Donald Trump iyadoo ay haatan Hillary Clinton ka horaysa laba dhibcood oo kali ay. 3 toddobaad ka hor waxay ka horraysay ilaa siddeed dhibcood.

Isku-dhawaanshaha tartanka labada dhibcood waxay muujinayaan sida ay muhiimka u tahay doodda la qorsheeyey in ay ka qabsoonto New York habeen dambe taas oo ka dhici doonta Jaamacaddaย Hofstraย ee ku taalla New York.

Ciddii ku guulaysata dooddaas ayaa la filayaa in ay gacanta sare ee tartanka yeelato. Suxufiyiinta caanka ay ee saadaalinaya sida ay dooddu u dhici doonto ayaa tibaaxaya in ay Hillary Clinton ka nidaamsan tahay Donald Trump kagana xariifsan tahay soo xigashada istaatistikada, halka Donald Trump looga barto jeedinta weedho madhan oo aan lahayn meel loo raaco.

Hase ahaatee lama oga in uu Donald Trump markan u soo diyaar-garoobi doono si ka duwan sidii looga bartay doodihii hore.

Il-wareed: Washington Post