Madaxweyne Obama waxa uu xadhiga ka jaray Madxafka Taariikhda iyo Dhaqanka Dadka Madow lagu ururiyo

Madxafka Taariikhda iyo Dhaqanka Bulshada Madowga Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah loogu furay, xafladan ayaa waxa lagu qabtay Xarunta National Mall ee uu madxafku ku yaalo ee magaaladan Washington.

Khudbad uu ka jeediyey xafladi furitaanka Madxafki ugu horeeyey ee Dadka Madowga Maraykanka madaxweyne Barack Obama oo ah madaxweynihi ugu horeeyey ee ka yimaada dadka Madowga Maraykanka ayuu ku sheegay in taariikhda dadka Madowga Maraykanka ay wadno u tahay taariikhda aabayaashii aas aasay dhaqanka waddanka Maraykanka.

Wuxuu sheegay in marar badan la iska indha tiray sheekooyinka malaayiin iyo malaayiin dad ah oo soo dhisay dalka Maraykanka. Obama ayaa ku dheeraaday taariikhdii ay soo mareen dadka madow ee Maraykanka laga soo bilaabo waqtigii addoonsiga, sharciyadii midab kala sooca ee Jim Crow ee sida xun loogu bah dili jiray bulshada Afrikaan Ameerikaanka, ilaa laga soo gaadho in dalkan Maraykanka uu yeesho madaxweyne ka yimid Bulshada Madowga Maraykanka.

Dadki kale ee kasoo qeybgalay xafladi furitaanka ee Madxafka Taariikhda iyo Dhaqanka dadka Afrikaan Ameerikaanka ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush, oo saxiixay sharcigi ogolaaday in la bilaabo dhismaha madxafkan sannadkii 2003.

Mafxadkan dhaqanka iyo taariikhda dadka Madow ayaa waxa qorshihii saxeexay Madaxweynihii hore George W. Bush, dhamaystirkiin waxa uu ku soo beegay gebgebadii xiliyeedka Madaxweyne Obama.

bandhige@gmail.com