Warbixin wargeys dalka Jarmalku ka diyaariyey Somaliland.
โSomaliland ayaa u dabaaldegtay 25-guuradii ka soo wareegtay la-soo-noqoshada madaxbanaanidooda, balse xafladaha dhalaalayey waxay ku dhaafeen murugo, maxaa yeelay, waxay muwaadiniintoodu ku dabaaldegeen keli, โWaa cadaalad-darro,โ ayuu ku dooday Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka keliya Arrimaha dibedda caalamka aan adeegsanin khadka degdega ee dublamaasiyiinta maraan madaarada caalamka.โ Sidaa waxa lagu sheegay warbixin wargeys ka soo baxa dalka Jarmalku baahiyey shalay.
Warbixintan Wargeyska Frankfurter Rundschau, ka qoray Somaliland, isla markaana weriye Maxamuud Walaaleye oo hawl-wadeenada Wargeyska Dawan turjumay ayaa lagu bilaabay:
Wasiirka Arrimaha Dibbeda Somaliland Dr. Sacad ayaa aaminsan diidmada beesha caalamka ee aqoonsiga Somaliland inay ku salaysan tahay faham khaldan. ย “Baddi waxay u haystaan in Somaliland iyo Soomaaliya ahaan jireen wadan keliya,” ayuu sheegay Shire. “Laakiin, khalad ka weyni ma jiro.
“Waxaan leenahay calan gooni ah, lacag iyo xukuumad, inkastoo aanan ahayn dal aqoonsi haysta, Somaliland waa xaqiiq aan la dafiri karin.” Ayuu sheegay Wasiirka arrimaha Dibedda Dr. Shire, oo dhaqaale-yahan aan rooga cas loo dhigin markuu u socdaalo Washingtn, London ama Berlin.
Si ka duwan wadamada Afrikaanka, shacabka Somaliland kuma dhiirigeliyaan caruurtooda tahriibka, balse, waxay sameeyaan talaabo kastoo ay kaga maanici karaan. Waalidiin badan ayaa bilaabay inay caruurtooda u iibiyaan gawaadhi yaryar, si ay nolol-maalmeedkooda uga helaan, gawaadhidaa oo lagu naanayso โHooyo ha Tahriibin.โ
Hadii Somaliland aqoonsi hesho, taasi waxay sahli doonta in maalgashi caalami helitaankiisu fududaato, ayuu aaminsan yahay Wasiir Dr. Shire. Magaalada Berbera ayaan sugayn helitaanka aqoonsi caalami ah, dhowaana shirkada Dubai World shaacisay inay balaadhinta dekeda Berbera ku maalgeliso $ 400 million.
Dublamaasiyiin caalamka ayaa ku cadaadinayey sannado in Somaliland iyo Soomaaliya xal wada gaadhaan, laakiin arrintaas wuu ku gacansaydhay Wasiir Dr. Sacad, waxaanu yidhi, “Ma jirto kalsooni dambe oon ku qabayno Soomaaliya,โ Fursada u banaan beesha caalamku waa inay aqbasho aqoonsiga Somaliland, “Caalamku Ha Kala Doortaan Somaliland oo Shidaal leh Iyo Soomaaliya-da u Dhaqanta Sida Ilmo Qalqaali ah.” Dr. Sacad Cali Shire.