Saddexdii Cabdillaahi ee walaalaha ahaa iyo dhaxalkii aabahood (WQ: Cabdikariim Xasan Ismaaciil “Qurusdoon”)

 

Oday reer baadiye ah ayaa saddex carruur ah oo uu dhalay u bixiyey dhammaantood Cabdillaahi. Markii uu sii dhimanayey ayuu dardaarankan jeediyey: Cabdillaahi wuu i dhaxlayaa; Cabdillaahi ima dhaxlayo; Cabdillaahi wuu i dhaxlayaa! Intaa markuu yidhi ayay naftii ka baxday isaga oo aan sheegin Cabdillaahiga aan dhaxlayn ka uu yahay!

Saddexdii walaalaha ahaa way maareyn kari waayeen arrinkii waxayna go’aansadeen in ay u tagaan garyaqaanka magaalada si uu xal ugu helo arrintooda.

Intii ay dhexda ku sii jireen ayaa waxa ay la kulmeen nin wareersan oo daal badani ka muuqdo. Maxaa ku helay ayay ku yidhaahdeen wuxuuna ugu jawaabay: Hashaydii iga luntay meel aan u raacana ma garanayo. Miyaad innaba hal baadi ah aragteen?

Cabdillaahigii koowaad ayaa yidhi: Hashaadu miyey cawarnayd?
Ninkii: Haa… haa!
Cabdillaahigii labaad ayaa yidhi: Hashaadu miyey dhutiyeysay?
Ninkii: Haa… haa!
Cabdillaahigii saddexaad ayaa yidhi: Hashaadu miyey daba go’nayd?
Ninkii: Haa.. haa… Isaga oo faraxsan ayuu ku yidhi: Waar niman yahaw waad aragteene halkay daaqaysay?
Saddexdoodii hal mar ayay yidhaahdeen: Wallaahi maanu arag hashaas!

Ninkii aad ayuu u xanaaqay, wuxuna go’aansaday in uu u geeyo garyaqaankii magaalada isaga oo u haysta in ay nimankani hashii cuneen oo ay qarinayaan.
Saddexdii walaalaha ahaa waxay ku yidhaahdeen ninkii: Anaguba isaga ayaanu u soconaaye ina keen.

Afartoodii oo wada socda ayaa u tegay garyaqaankii. Ninkii markuu qisadii ka sheekeeyey garyaqaankii, wuxu ku yidhi nimankii, “ Waxaa ii cad in aad hashaa aragteene iska qirta waxa aad ku samayseen?

Cabdillaahigii koowaad ayaa yidhi: Illaahay baan ku dhaartee maanu arag, balse raadkeedii ayaanu aragnay. Markii aan weydiiyey hashaadu miyey cawarnayd? Waxa aan arkay dooggii aanu soo dhaafnay oo dhan kaliya laga cunay, dhinicii kalena aan la taaban, taas ayaa ii caddaysay in hashu il kaliya lahayd.

Cabdillaahigii labaad ayaa yidhi: Markii aan idhi hashu miyey dhutiyeysay? Waxa aan arkay miisaanka halkii ay dhulka dhigaysay oo u badan dhinac kaliya, taasina waxa ay caddaynaysaa in ay lug ka dhutineysay.
Cabdillaahigii saddexaad ayaa yidhi: Markii aan idhi hashu dabada miyey go’nayd? Waxa aan arkay saaladii hasha oo meel qudha ku uruurtay. Sida caadiga ah hashu dabadeeda ayay lushaa taas oo saalada dhinac walba u tuurta. Taasina waxa ay caddaynaysaa in ay dabada go’nayd.
Garyaqaankii wuxu xaqiiqsaday in saddexda walaalaha ahi run sheegayaan, ninkiina wuxu ku yidhi orod oo hashaadii soo raadso!
Garyaqaankii wuxu weydiiyey maxaad idinku u socotaan? Sheekadoodii ayay uga sheekeeyeen. Aad ayuu ula yaabay sida arrinkoodu u murugsan yahay. Wuxu ka codsaday ilaa berri in ay siiyaan si uu arrinka uga soo fikiro.

Maadaama ay marti ku ahaayeen magaalada waxa la dejiyey gurigii martida. In yar ka dib saddexdii walaalaha ahaa waxay dareemeen in la basaasayo oo waxa ay ku sheekaysanayaan loo fiirsanayo. Inyar kadib waxaa loo keenay sooryadii oo ka kooban hilib iyo laxoox.
Cabdillaahigii koowaad ayaa yidhi: Hilibkan la inoo keenay waa hilib Ey!
Cabdillaahigii labaad ayaa yidhi: Laxooxdan waxaa dubtay gabadh uur leh oo bishii sagaalaad ku jirta!
Cabdillaahigii saddexaad ayaa yidhi: Garyaqaankuna waa garac (xalaal laguma dhalin)!
Arrinkoodii waxa la gaadhsiiyey garyaqaankii… wuu iskugu yeedhay maalintii xigtay. Wuxu weydiiyey waa kuma ninka yidhi hilibku waa hilib Ey?

Cabdillaahigii koowaad ayaa yidhi waa aniga… garyaqaankii wuxu codsaday in loo yeedho ninkii dabaakha ahaa ee cuntada sameeyey. Wuxu weydiiyey in arrinka ninkani sheegayaa sax yahay? Wuxu yidhi : haa, xilli fiid ah ayay ahayd guriga martidana wax hilib ahi muu oolin sidaa awgeed waxa aan u kariyey nimankan reer baadiye hilib Ey! Garyaqaankii wuxu weydiiyey Cabdillaahigii koowaad: Maxaad ku garatay in uu hilib Ey yahay? Wuxu yidhi: Xoolaha baruurta ayaa ka sarraysa hilibka, laakiin Eyga hilibka ayaa sarreeya oo baruurta ayaa hooseysa!
Garyaqaankii wuxu ku qayliyey, “ Adigu waad dhaxlaysaa hantida aabahaa!”

Garyaqaankii wuxu weydiiyey: Yaa yidhi Laxooxda waxaa dubtay gabadh uur leh? Cabdillaahigii labaad ayaa yidhi aniga. Waxa la soo xaqiijiyey in gabadhii laxooxda dubtay ay lahayd uur sagaal billood ah. Wuxu weydiiyey sida uu ku gartay? Waxa aan ku gartay laxooxdu dhinacna si fiican ayay uga dubnayd, dhinacna qooshkii ayaa dhex fadhiyey. Waxa aan xaqiiqsaday in gabadha dubaysay ay aad u calool weynayd oo ay uur lahayd isla markaa ayna gaadhi karayn dhinaca shishe ee laxooxda!

Garyaqaankii wuxu ku qayliyey, “ Adiguna waad dhaxlaysaa hantida aabahaa!”
Garyaqaankii wuxu weydiiyey Cabdillaahigii saddexaad maxaad ku caddaynaysaa in aan garac ahay? Wuxu yidhi, “ Haddii aad ibnu xalaal ahaan lahayd noomaad soo dirteen nin basaas ah; sooryana noogamaad dhigteen hilib Ey iyo laxoox dhinac ka qaydhiin!
Garyaqaankii hooyadii ayuu ka xaqiijiyey in ayna xalaal ku dhalin!!
Garyaqaankii wuxu ku qayliyey, “ Adigu ma dhaxlaysid hantida aabahaa!”

Cabdillaahigii saddexaad ayaa yidhi sababta ii sheeg? Wuxu ugu jawaabay: “Qofka aan xalaasha lagu dhalin waxaa yaqaana mid aan xalaal lagu dhalin”
Saddexdii walaalaha ahaa markii ay hooyadood ku noqdeen ee ay arrinkii u sheegeen ayaa waxa ay ugu jawaabtay, “Dhab ahaantii Cabdillaahiga saddexaad muu dhalin aabihiin balse waxa uu ka soo helay isaga oo lagu tuuray masaajidka hortiisa, sidaasuuna ugu bixiyey Cabdillaahi isagana!

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdikariim Qurusdoon

Xikmaddii hoggaaminta ee ka timid ninkii xaraashay gaadhigiisii Ferrariga ahaa

Cumar Ibnu Khaddaab iyo Badhasaabkii XIMS, Suuriya