Madaxweyne Obama ayaa waxa uu beeniyey in dadka dalkiisu ay kala qaybsameen kadib toogasho dhex martay booliska iyo dadka Madowga, kuwaas markii dambena mudaharaado hadheeyeen magaalooyinka ka tirsan Maraykanka.
Kala qaybsanaanta dadka Maraykanka ayaa waxay gaadhay heerkii lixdankii 1960-kii oo ay Madowga iyo Cadaankuba takoor badani ka jiro, balse Obama ayaa waxa uu beeniyeyย gabi ahaanba kala qaybsanaantaa.
Nin madow ah ayaa waxa uu toogtay shan askari oo cadaan intii ay socdeen dibed-baxyo ka dhacayey Dallas, ninkaas oo ka cadhooday dilkii laba qof oo madow ah oo ciidamadu dileen.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in inkastoo ay waajib ku tahay qofkasta oo Maraykan ah uu u istaago cadaaladda, hadana looga baahan yahay in uu booliska taageero.