Koonfurta Suudaan waxa dib uga bilaabamay dagaal culus

Waxa saaka dib uga bilaabmay dagaal aad u culus caasimada Koonfurta Suudaan ee Jubba, waxa rasaas xoogan looga maqlayaa xaafada magaalada Jubba.

Dagaalkan ayaa waxa xaqiijiyey ciidamada nabad illaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Koonfurta Suudaan.

Maalmihii lasoo dhaafay, dad ka badan boqol qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen caasimadda, kadib iska hor imaadyo dhex maray ciidammo kala taageersan Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar.

Inkasta oo ay Labadan masโ€™uul ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, balse waxa wali sii socda dagaalka u dhaxeeya xoogaga kala taabacsan.

Colaadda dib uga bilaabatay Koonfurta Suudaan ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii shan sanno jirkii xornimada dawladda Koonfurta Suudaan.

bandhige@gmail.com