Wadaadka ruuxiga Eeraan ayaa waxa uu sheegay Ayatollah Khamenei ayaa waxa uu u sheegay Madaxweynaha haatan ee Eeraan Axmed Nejad in aanu isu soo sharaxin doorashada ka dhici doontaa waddankaas sannadka dambe, sidaasna waxa soo tebiyey illo wareedyo ku sugan guddaha Eeraan.
Waxaa lagu soo waramayaa in Ayatollah uu Axmadinajad u sheegay in is sharaxaadiisa aysan dan ugu jirin isaga sidoo kalena aysan ku jirin masaaliixda dalka.
Hadalkaas ayaa meesha ka saaraya in uu isa soo sharaxo.
Axmadi Nejad ayaa ah siyaasi muran dhaliyay, si gaar ahna waxaa loo xusi karaa dib u soo doorashadiisii 2009-kii oo uu muran ka dhashay, taas oo sababtay in ay dhacaan mudaaharaadyo waawayn.
Laakiin waxaa loo arkaa nin miisaan leh oo ah qofka ugu dhaw ee haysta fursad ay awooda ugu soo noqon karaan dadka mayalka adag.
Axmadi Nejad si rasmi ah uma uusan caddaynin in uu isu soo sharaxayo doorashada Madaxwayne nimada balse khudbadihiisii u dambeeyay ayuu ku bidhaamiyay damaciisa ku aadan isu soo taagidda xilkaasi.