Waddani ha laga waaniyo wacad furka (WQ: Maxamed Daahir Axmed)

Wacadka amba arrinka la wada galo wax waajib ah in dhinacayada wada galay ay sidiisa u fuliyaan,  balse waxa baryahan danbe soo noqnoqotay xisbiga Waddani oo caadaystay in uu ka baxo kolba heshiiska aywada galaan saddexda xisbi qaran.

Sida aynu ka wada warqabno Xisbiga Waddani waxa uu si xidhiidha u furay wacadkii amba heshiiskii uu la galay xisbiyada kale ee Ucid iyo Kulmiye,heshiisyadaa waxa ka mid ah:

  1. Heshiiskii Diwaangalinta Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa.

Isagoo marka hore Waddani heshiiska qayb ka ahaa ayaa markii lagu dhawaaqay in lixdaa goobood diwaangalinta doorashada madaxtooyadda laga qabanayo, ayuu Waddani markiiba abaabulay siyaasiyiin xisbigiisa ka tarsin kuwaas oo hadalo amni darro abuuri kara bulshada ku afuufay,s i gaar ahna iskugu dayay in colaad la kala dhexdhigo bulshooyinka walaalaha ah ee wada daga galbeedka Somaliland.

  1. Doorashada Golaha Wakiilada iyo Arrinta Saami Qaybsiga

Saddexda Xisbi Qaran in muddo ah ayay ka wada shirayeen arrinta saami qaybsiga iyo doorashada golaha wakiilada balse kulanno isdaba jooga ah kadib waxa soo baxday oo la isla qaatay in Madaxwaynaha dib loogu celiyo isagana kalsooni la siiyo waxa uu arrinka doorashada golaha wakiilada iyo saami qaybsiga kaga talo bixiyo in sideeda lagu qaato, wax hadal ahna aan laga daba keenin, waliba saddexda xisbi qoraan ayay ku bixiyeen in ay ku qancayaan go’aanka uu Madaxwaynuhu soo saaro.

Muddo ka bacdi talo bixintii Madaxwaynaha ayaa soo baxday, waxana Madaxwaynuhu ku taliyay in wakhti fiican la siiyo arrinta saami qaybsiga ee ku salaysan tabashooyinka gobalada darafyada Somaliland, si loo adkeeyo wada jirka iyo midnimada dalka. Maadaama oo doorashada kaabiga inagu hayso waxa uu ku taliyay Madaxwaynuhu in doorashada la kala qaado ta Madaxwaynahana wakhtigeeda la qabto tan baarlamaankana laga danbaysiiyo si loo dhamaystiro arrinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.

Waddani hadana halkiisii ayuu ka miisay, isagoo ku gacan saydhay go’aankii Madaxwaynuhu soo saaray,bal u fiirso markii hore qoraal ayay ku bixiyeen in ay u hogaansamayaan go’aanka Madaxwaynaha haddana si cad ayay ooga horyimaadeen.

  1. Wacad Furka Xisbiga Waddani Gudihiisa Ka Dhacay

Mudane Cabdiraxman Cirro waxa kale oo uu ku wacad furay Axmed Muumin Seed oo tan iyo maalintii xisbiga la aasaasay wax walba galiyay xisbiga intaana Cirro ku lahaa adigaa ah Murashaxa Madaxwayna-ku-xigeen ee Xisbiga. Axmed muumin seed Cirro waxa uu ku doorsaday nin jug soo dhacay ah oo imika uun yimid horena aan xisbiga wax u gashan.

Waxa kale oo iyana lagu wacad furay siyaasiyeen iyo deegaano Somaliland ka tirsan oo hore Mudane

Cirro ugu balan qaaday in uu ku wareejinayo booska guddoomiyaha xisbiga, balse dadkii dad aan ahayn ayuu imika haddana heshiis kale la galay.

Maxaa Xisbiga Waddani ugu Wacan Wacad Furka

Xisbiga Wadani waxa ugu wacan balan furka Gudoomiyahooga Mudane Cabdiraxman Cirro oo ku caan baxay gudoon jilicsan,go’aan qaadasho la’aan. Tani waxa ay ka dhigaysaa Cirro masuul aan hogaamiyo qaran ahayn oo marka xaaladu adkaato talo adag , dhiirani,iyo ku dhac la yimaada (Lack of Statesmanship Leadership Character).

Ta kale heshiisyada aad la gasho labada xisbi qaran ee kale hadii aadan ka dhaadhicin karin musdanbeedka xisbigaaga maxaad marka hore u galaysaa. Ta kale musdanbeedka la sheego ma iyagaa

Mudane Cirro hoggaamiyo mise isagaa hoggaamiya?

Hadii aan indhaha la iska ridaynin masuuliyada dib u dhaca doorashada wakiilada waxa iska leh golaha wakiilada ee Mudane Cirro hogaamiyo,golahaasi 11 sanadood ka gaabsaday in uu curiyo ansixiyana xeerar badan oo laf dhabar u ah dawladnimadeena iyo horumarka dalkeena iyo dadkeena,oo uu ka mid yahay xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiilada iyo arrinta saami qaybsiga xubnaha golaha wakiilada taasi oo taalay golaha 11 sannadood ee u danbaysay miiska hoosteedana la dhigay.

Guntii iyo gabagabadii Mudane Cirro waxa uu ku sifoobay shakhsi aan ilaalin karin weedhiisa iyo heshiisyada uu la galo xisbiyada kale (A man who cannot keep his word).Balan furku waa astaan xun oo aan u fiicnayn qofka muslimka ah iyo guud ahaan bina aadamka oo dhan,muujinaysayna kalsooni darro, maamul xumo,farsamo xumo iyo ka aradnaanta hogaamin suuban(good leadership).

WQ Maxamed Daahir Axmed.