Maxkamadda sare ayaa waxay maanta go’aan ka gaadhay dacwadii ay dhawaan u gudbiyeen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani taasi oo ka dhan ahayd go’aankii madaxwaynaha Somaliland ku kala qaaday labada doorasho ee Golaha wakiilada iyo Madaxtooyadda.
Maxkamada sare waxay go’aankeeda ku taageertay go,aankii Madaxwayne Siilaanyo ku kala qaaday laba doorasho oo qorshuhu ahaa in la qabto horraanta sannadka soo socda.
Go’aanka ayaa waxa uu meesha ka saaray dacwad ay xisbig Waddani u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, inkasta oo uu golaha wakiilada ee uu gadhwadeenka ka yahay Guddoomiye Cirro taageereen go’aanka madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday, balse xisbigiisu ka soo horjeedsaday go’aanka.
Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland oo ka hadlay kadib go’aankaasi Maxkamadda Sare ee kala qaadista labada doorasho waxay sheegeen in ay ogol yihiin, iyada oo xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo arrintani diidanaa oo sheegay in uu ogol yahay go’aanka Maxkamadda balse waxay golaha guurtida ugu baaqeen in aanay soo faro galin doorashooyinka Madaxtooyadda ee la filaayo in ay dhacaan horraanta sannadka 2017-ka.
Sidoo kale kulan shalay ku dhex maray xisbiyada iyo Maxkamadda Sare ayaa waxay ku heshiiyeen in ay ayidayaan aqbalayaana go’aan kasta oo uu Madaxweynuhu ka soo saaro saami qaybsiga.
Golaha Guurtida ayaa hadda lagasugayaa in ay muddeeyaan wakhtiga loo kordhinayo GolahaWakiillada.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:
Halkan hoose ka daawo muuqaalka uu Waddani uu ku aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare:
https://www.youtube.com/watch?v=8YjqIcu5srY
Halkan hoose ka daawo muuqaalka uu Kulmiye uu ku aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare: