Erdogan iyo Boqor Cabdalla waxay ka qayb gali doonaan aaska Muxamed Keley

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan iyo Boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa la filayaa in maanta soo gaadhaan dalka Marakaykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan aaska Muxamed Ali Keley oo Jimcihii aynu soo dhaafnay geeriyooday.

Aaska Muxamed Cali Keley ayaa waxa uu ka dhici doonaa maalinta Jimcaha fooda inagu soo haysa magaalada Louisville ee gobolka Kentucky.

Munaasabadda ayaa lagu qaban doono garoon ciyaaraha ah oo 22 kun oo kuraas ah leh, waxaana maydka Maxamed Cali la marsiin doonaa wadooyinka magaalada, iyadoo sidoo kale munaasabadda si toos ah looga daawan doono telefeshanada.

Maalinta Khamiista, waxaa jiri doonto munaasabad aas ah oo qoyska Muxamed Cali ay ka qeybgali donaan, iyadoo waliba la sameyn doono salaadda jinaasadda.

Afhayeen u hadlay qoyska Maxamed Cali Kalaay ayaa sheegay in habka aaska uu u dhacayo uu hore u sii qorsheeyay Muxamed Cali Kekey ka hor intii aanu u dhiman cudurka laleelmada oo muddo badan hayay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Maxamed Cali uu doonayay in dad badan oo kale diimo ah ay ka soo qeybgalaan aaskiisa.

Dadka munaasabadda aaska haddallada ka jeedin doona waxa ka Madaxweynihoii hore ee Maraykanka Bill Clinton, oo muddo dheer ay saaxiibo ahaayeen Maxamed Cal Keley.

Sidoo kale waxa la filayaa in ay ka soo qayb galaan aaska Marxuun Maxamed Cali Keley madax kale duwan iyo dadweyne aad u tiro badan.

bandhige@gmail.com