Hillary Clinton waxay ku guulaysatay tiradii looga baahnaa si ay u noqoto musharaxa Dimuquraadiga

 

Hillary Clinton ayaa goor dhawayd gaadhay tirada ergada laga doonayo si ay u noqoto musharaxa xisbiga Dimuquraadiga.

Hillary Clinton ayaa hadda loogu yeedhi doonaa in ay tahay “murashaxa la sii og yahay” maadaama si rasmi ah loo caleemo-saari doono 25 July marka uu qabsoomo shir-weynaha xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanku halkaas oo murashaxnimadeeda lagu ansixin doono si ay ugu tartanto madaxweynenimad Maraykanka doorashada qabsoomi doonta 1-da November 2016.

Hillary Clinton waxay taariikhda ku galaysaa haweenaydii ugu horaysay ee muddo 240 sanno ah oo Maraykanku jiray noqota murashax xisbi qaran, haddii ay sida la saadaalinayo ku guulaysto madaxweynenimada waxay noqon doontaa haweenaydii ugu horraysay ee madaxweyne ka noqota Maraykanka.

Clinton waxay heshay tiro dhan 2,384 ergay taas iyada oo hal ergay dhaaftay tiradii looga baahnaa in ay murashax noqoto oo ah 2,383; halka ninka tartanka kula jira oo la yidhaa Senator Bernie  Sanders uu ka haysto 1569 ergay.  In kastoo ay dheer tahay 815, haddana Bernie Sunders oo warbaahintu goor dhawayd la xidhiidhay  waxa uu sheegay in xilligan ay qalad tahay in warbaahintu Hillary ugu dhawaaqdo in ay tahay qofka guulaystay. Wuu diiday in uu is dhiibo, wuxuna yidhi “ilaa codka ugu dambeeya waan ku dagaalamaya.”

Wararku waxay sheegayaan in uu naawilayo in Clinton ay fadeexado ku soo baxaan inta ka horaysa shirweynaha xisbiga ee qabsoomi doona July, taasina ay tahay sababta uu isu dhiibi la’yahay.

Tartanka waxa ka hadhay codaynta maanta socota oo kali ah, waxana ugu ergooyin badan gobolka California oo sida qiyaasta la sameeyey ay muujinayso ay Clinton kaga horrayso Sanders.

Kullan olole ah oo Hillary Clinton ay ku qabatay magaalada Long Beach waxay ka sheegtay guul aan caadi ahayn ay tahay. Laakiin waxay sheegeysaa in weli ay u taallo howl badan oo doorashada ka hor ay qabaneyso.

Wararka ay warbaahinta Maraykanku soo tebinayaan waxay tibaaxayaan in uu Barack Obama berito oo Arbaca ah ku dhawaaqi doono in uu taageersan yahay murashaxnimada Hillary Clinton, taas oo wax weyn ku kordhin doonta dardarta ay ku waajihi doonto murashaxa dhina Jamhuuriga, Donald Trump.

bandhige@gmail.com