Faallo: Xiddigaha Geeska ha loo gurmado

 

Kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxa ay Bariga Afrika iyo meel kasta oo Soomaalidu joogto ka noqdeen sidii ay mar ahaan jireen kooxdii Hobollada Waaberi. Waxay soo nooleeyeen haybaddii ay Somaliland u lahayd suugaanta, fanka, xikmadda, dhaqanka iyo wacyi-gelinta dadweynaha. Waxay kaga dhabeeyeen murtidii Abwaan Xasan Sheekh Muumin ee ahayd:

“Dadweynahaan hanuuninaa,

haasaawinaa, danta ku hagnaa”

Heesaha iyo wax-soo-saarka Xiddigaha Geeska waxa lagu dhagaystaa guryaha Soomaaliyeed badankooda. Waxayna kooxdu ku dedaaleen in ay fankooda ka ilaaliyaan wixii bulshada kala gayn kara, waxayna ku ekaadeen xirfaddooda gaarka ah, ummana dhisna hannaan qabiil ama gobollaysi.

Kooxdan calanka u sidda fanka Soomaalida waxa toddobaadyadii ugu dambeeyey soo food-saaray khilaaf ba’an oo sababi kara in ay burburaan.  Waxa durba sida muuqata kooxda ka dhaqaajiyey xiddigii caanka ahaa Maxamed BK. Waraysi uu dhawaan bixiyey wuxu ku caddeeyey in laga saaray kooxda laakiin uu isagu jeclaan lahaa in uu ka sii mid ahaado.

Waraysiga fannaan Maxamed BK  marka loo fiirsado waxa laga dareemayaa in khilaafka kooxdu ku salaysan yahay waxa afka qalaad lagu yidhaa “Resource Based Conflict” ama “Khilaaf ku salaysan khayraad iyo dhaqaale.” Waa khilaaf si sahlan loo suulin karo haddii la horumariyo shuruucda kooxda u yaalla.

Maalmo ka hor waxa isaguna bogga Facebook-ga uu ku leeyahay ku shaaciyey in uu guddoomiyenimadii kooxda iska casilay Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul “Laab-Saalax” oo ahaa hoggaamiyihii kooxda soo dhisay muddada dheerna gadh-wadeenka  u ahaa. In yar kadib ayaa xubno kooxda ka mid ah ay soo saareen war ay ku sheegeen in Abwaan Xasan lagaga guulaystay doorasho kooxdu qabatay .

Marka aad eegto sumacaddii iyo awooddii ay kooxdani lahayd iyo sida xawaaraha leh ee uu khilaafkoodu u degdegay waxa muuqata in aanay aqoon durugsan u lahayn maamulka ururrada iyo sida loo xalliyo khilaafaadka caynkan ah. Waxa sidoo kale muuqata in aanay u dhisnayn sidii xafiis ama urur ee ay u dhisnaayeen oo kali ah hannaan kooxeed.

Haatan muhiim ma aha in lagu mashquulo yaa khaladka leh iyo yaa saxsan, ama yaa guulaystay iyo yaa laga guuleystay, laakiin waxa muhiim ah in lagu dedaalo sidii kooxdan qaranka muhiimka u ah loo samato-bixin lahaa loona dhexdhexaadin lahaa si uu wada-jirkoodu u sii waaro.

Odayaasha Guurtida loo diri maayo laakiin wuxu xil gaar ahi ka saaran yahay inta ehelka u ah suugaanta, dhaqanka, fanka iyo arrimaha wacyi-gelinta oo ay ugu horreyso Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanku. Xil kaas la mid ahi wuxu saaran yahay abwaannada iyo fannaaniinta waayo-aragga ah iyo ururrada bulshada ee aqoonta u leh xallinta khilaafaadka.

Xiddigaha Geesku maaha koox ay Somaliland huri karto mana aha fannaaniin kali ah. Waxay qayb aan la dafiri karin  ka yihiin wacyi-gelinta bulshada, la-dagaallanka tahriibka, kobcinta waddaniyadda iyo xusaska maalmaha Qaranka.  Sidoo kale waxay horseed iyo ku-dayasho u yihiin inta hibadoodu tahay fanka iyo suugaanta iyadoo haddaba ay soo saareen dhallinyaro badan oo xirafado kala duwan u leh suugaanta iyo fanka.

Hay’ado hore oo qiimo lahaa ayaa macno la’aan iyo laba qof oo isku dhacay innagaga burburay. Caano daatay dabadood la qabay. Ha loo gurmado oo ha la bedbaadiyo Xiddigaha Geeska!

Bandhige News

Bandhige@gmail.com