Fallaagada Suuriya oo qabsatay magaalada Al-raaci

Xooggaga mucaaradka Suuriya ayaa waxa ay dib uga riixeen maleeshiyaadka kooxda Dawladda Islaamiga ah magaalada istiraatiijiga ah ee Al-raaci ee waqooyiga Suuriya, kaddib dagaal culus oo maalmo ka socday.

Magaalada Al-raaci ee ka tirsan gobolka Xalab, ayaa waxa ay saldhig istiraatiiji ah u ahayd kooxda Daacish, maadaama magaaladaasi ay ku taal bar looga gudbo xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Suuriya.

Fallaagada ka qeyb qaatay dagaalka ayaa waxa ka mid ah kooxo qunyar socod ah oo ku hoos dagaalamaya magaca Ciidammada Xorta ah ee Suuriya, kuwaasi oo hub loo soo dhex mariyo Turkiga.

Dhanka kalena dawladda ayaa sheegaysa in lalaa’yahay ugu yaraan 200 oo qof kaddib markii ay kooxda Dawladda Islaamiga ah weerrar ku soo qaaday warshad ku taal meel u dhaw Dimishiq.

Howl-wadeenada ayaa lagu soo warramay in laga kaxaystay xarun Jaamacadeed ay joogeen oo ku yaal daafaha Dumayr oo 40 km bariga ka xigta magaalada caasimadda ah.

bandhige@gmail.com