Jabuuti: Dadweynaha oo u dareeray doorashada Madaxweynaha

Jabuuti oo ay ka socdeen ololaha doorashada Madaxweynenimada ee aad xoogan ayaa waxa maanta loo dareeray doorashada Madaxweynenimo oo ay kula loolamayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo lix musharaxa.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa doorashadan u tartamayaa markiisii afaraad taasi oo laba jeer la furay dastuurka Jabuuti oo markii hore dhigayey in uu Madaxweynuhu laba jeer qaban karo jagada Madaxweynenimada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu xilka qabtay laga soo bilaabo tan iyo 1999-kii, waana Madaxweynihii labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sannadkii 1977.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Jabuuti ayaa waxay sheegayaan in ay mucaaridka la tartamaya Ismaaciil Cumar Geelle ay yihiin qaar taag daran, oo ay saadaalinayaan in uu Geelle mar afaraad xukunka qaban doono.

Qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay qaadaceen doorashada maanta loo dareeray iyagoo ku andacooday in dawladdu aanay diyaar u ahayn tartan xor oo cadaalad ah.

bandhige@gmail.com