Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland waxay xukuumadda Siilaanyo ugu baaqday in ay sii dayso Wargeysyadda Haatuf, Xogo-ogaal Iyo Codka Shacabka

Ha’yadda xaquuqal Iisaanka Somaliland, ayaa walaac xoogan ka muujiyey xadhiga Wargeysada, ficilada iyo afduubka xukuumadda Somaliland ku hayso Wariyeyaasha ka hawl-gala gudaha dalka Somaliland, isla markaana waxay ugu baaqday dawladda Madaxweyne Siilaanyo in ay dhawrto Dastuurka iyo Xeerarka caalamiga ah ee bini’aadam-nimada.

Guddoomiye-ku-xigeenka Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac oo ka hadlay munaasibad lagu xusayey sannad guuraddii labaad ee xukuumaddu albaabada isugu dhufatay Wargeyska Haatuf oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in wakhtixaadirkan ay saddex Wargeys Xukuumadda Axmed Siilaanyo u xidhan yihiin, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

 “Bilihii ugu dambeeyay ee sannadkan 2016-ka, laga bilaamo Diseebar 11 Suxufi ayaa lagu xidhay Somaliland. Saddex suxufi oo uu ka mid yahay Cabdi fataax Ismaaciil Caarshe waa la garaacay oo jidhkooda ayaa dhibaato loo gaystay. Waliba dhibaatadda ku dhacday Cabdifataax Ismaaciil Caarshe waa mid ku cusub Somaliland oo aanu hore u arrag. Haddaanu nahay xaquuqal iisaanka waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland inay sii dayso Wargayska Haatuf, Xogo-ogaal iyo Codka shacabka. Waa in xukuumaddu joojisaa xadhiga saxaafadda in la iska xidh-xidho. Qofkii saxaafadda wax ka tirsada waxa u furan innuu dacwad geeyo maxkamadda, laakiin maaha in saxaafadda la iska xidh-xidho.”

Guddoomiye-ku-xigeenku wuxuu intaa ku daray:

“Ugu Danbayntii xaquuqal iisaan waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo dhawraysa dastuurka dalka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah iyo danta shacabka oo mar walba dadku waxay awood u leeyihiin inay hadlaan, markaa waa inay dhawrtaa.”

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:

 “Waxaan fursadan uga faa,iidaysanayaa, madaama maanta ay nala joogaan labadii Xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani. Waa inay sicad u balan qadaan, haddii alle xilka ku guulaysiiyo, siyaasad ah Suxufi dambe la iska xidho ciqaabtana waanu ka soo horjeednaa oo xeerka ciqaabta waanu ka saaraynaa qodobada saxaafadda. Waa in aad sicad noogu balan qadaan. Dawladda eeddeeda iyo baaqeedu, anaga wax ba noo tarimayo, laakiin anaga waxa wax noo taraaya, haddaad tidhaahdaan suxufi dambe la iska xidhimayo.”

bandhige@gmail.com