Islaam ku mala jaan-qaadi karaa dimuqraadiyadda? (WQ: Cabdixakiim Tiyari)

Dimuqraadiyadda.

Inskasto uu yahay maqduuc aad u balaadhan, oo aynnaan qoraal iyo wax kale toonna kaga gayooneyn, haddana waxeynu isku day ineynnu sida ugu macquulsan usoo koobno.  Islaamku mala saanqaadi karaa dimuqraadiyadda, iyo xuquuqal insaanka? (is Islaam compatible with democracy and Human right?. Sida cinwaanka kaaga muuqata waxa uu ka kooban yahay saddex weedhood oo xidhiidh laga dhaxeysiinayo, sida; Islaam, dimuqraadiyadd, iyo xuquuqal insaan. Si aynnu haddaba midkasta u fahamno, waxey nu ubaahannahey in aynu u kala qaadno xabbad-xabad. Wuxuu noqon doonna qormo balaadhan runtii.

Aynu ugu horreysiino mawduucaha ah; Dimuqraadiyadda.

Waxaa maxay dimuqraadiyadda? Xaggey ka timid dimuqraadiyaddu (The origin and development of democracy)? Qeybaha dimuqraadiyadd (types of democracy)? xeerar dimuqraadiyadda (principles of democracy)?. Dhammaan su’aalahanas waxey nu isku dayeynaa iney ka jawaabno.

Dimuraadiyaddu waa labo weedho oo leys kudarey oo kala ah; demo( shacab, Dad, Ama ummadd), cracy(xukun, maamul). Dimuqraadiyadda: waa nooc kamid ah maamulka (Administration) halkaas oo ay shacab ku awoodda leeyihiin. Waa nidaam lagu maamulo ummad meel deggen. Macnaha dimuqraadiyadda si kale duwaan ayaa loo qeexaa, waxaana kamid ah macnayaashan:

  • Dimuqraadiyaddu : waa nooc kamid ah xukunka halkaas oo shacab ku xorriyad aad u balaadhan ay leeyihiin.
  • Dimuqraadiyaddu: waa ahaanshaha, iney shacab ku yihiin dawladd, dawladduna tahay shacab. Waxey muujineysaa in shacab ku iyadu simman yihiin.
  • Dimuqraadiyaddu :waxa awoodda leh xukun ka sarre, halkaa kuwo hoosena xuquuqdooda la siiyo.
  • Dimuqraadiyadda : waa nidaam xorriyadeed.

Waxey nu fahamey in dimuqraadiyadda laheyn hal weji oo lagu qeexo, balse dad kala duwan, si kale ay u macneeyeen.

 

Xaggey kasoo unkastey dimuqraadiyaddu?

Dimuqraadiyaddu waxey kasoo bilaabmantey xaddaradii giriigga, ee Athens,  qarnigii 5th.

750 B.C, xaddaradii giriiggu waxey soo martey nidaamyo kala duwan, nidaam kii dawladdeed ee waagaas jirey wuxuu isaga gudbey saddex nidaam oo kala ah; in madaxtinnimada dhaxal-tooyo lagu qabto[monarchy], 2: in dadka dabaqada sarre ahi ee bulshada ahi xukunka qabtaan[Aristocracy] 3: illaa ugu dambeyntii ay gaadhey waxa maanta loo yaqaan dimuqraadiyadda [ Democracy], oo ah in madaxweynuhu ku imaado sifo cod qaadis ah, iyo rabitaanka shacab ka.

Nidaam maamulka wuxuu ka dhacey dhammaan giriigga, sidaas si lamid ah, waxaa iyanna nidaam kan oo kale ka dhacey rooma, taalyaaniga. Rooma waxaa la aas-aasey dad talyaani ah 1500 B.C. Taariikh da dadkan reer roma markaad eegtid waxey isaga gudbeen meelo kala duwan, waxa la sheega iney isaga gudbeen buurta loo yaqaan Alps, kadiba ay ugu dambeyntii deggeen dhul carrosan ah, una dhow webiga Tibet River.

Dadkani waxey ku hadli jireen luqadda ah “ indo-European”. Intaaney dadkani soo  deggin, waxa jirey dad ayaga ka horreeyay oo halkaas sii deggenaa, waxey noqotey caasimadd aad u weyn markii dadkaninna yimaadeen. Waxey na noqdeen dad meel wadayaal, halkani waa halkey ka billaabmatey Roomi.

Caasimadda waxa wadda deggan labo koox/qolo. Labadii koox waxa kadhex bilaabmey halgan, iyo degaal, kaas oo salka ku haya sidii mid kastaaba u hannan lahaa hoggaan ka, una heli lahaayen xuquudooda. Xilligaas waxaa kasii talinayey caasimadda labo nin oo walaalo ah oo la odhan jirey; ROMULUS iyo REMUS.

Dhaqdhaqaayadi guuritaan ee lagu soo qulqulayey roma, waxey noqotey Jamhuurriyadd. Hoggaamiyayaasha jamhuuriyadda waxa soo dooran jirey shacab ka, mey ahay dhaxaltooyo

Laakin, dabeecadda xukun ka kuma qotomo dimuqraadiyadd dhab ah, waxa xukun ka u tartami jirey dadka dabaqada sarre ah, ee laan-dheera ah, ee dhulka leh, waxaana loo yaqaaney “Patricians”, macnaha ereygani wuxu yahay waa qolo meesha awoodda xukun ka kuleh.

Patricians, waxey ahaayen madaxdii dawladda, sidoo kale waxey u shaqeyn jireen hab dhaxaltooyo ah, sida golaha guurtida, ama golaha odoyaasha ee congrees ka.

Plebeians: waxey ahaayen garab kii kale ee la deggenaa patricians ka. Waxey ahaayeem dad shaqeysta oo beero falato ah, waa kuwo halgankoodu soo socdey ilaa qanigii 5th, iyo 3th B.C (Ciise hortii).

Nasiib kood wuxuu siiyay in hoos loo jalleeco kooxdan dhabanada gacan ta ku heysa, waxaa loo ogalaadey iney qeyb ka ahaaden nidaam ka dawladeed, iyo in nimcada la qeybsadaan kuwii muddada badan xukun ku gacan ta ugu jirey. Xaqooddi u horreeyay wuxuu ahaa iney wakiil [representativa] iska soo saaran, si loogu daro guddida [Commite]. Taa macnaheedu waxa weeye in qabiil ahaan lagu soo doortey.

Bal haas inoogu yar jooji. Oo inna dul isaaji somaalida, iyo Habbaar ka kaga dhacey ilbaxnimada.

Dib-u-noqo xaggaas iyo somaalida. Maxey waddaagan xaddaraadaa jirtey qarnigii 5th, Iyo qarnigan 21th, Hadda aynnu ku jirno? Mala odhan karaa waxey somaalidu mareysaa weli qanigii 5TH, ee ah in qabiil wax lagu doorto? Haa, weliba si aan shaki ku jirin. Wasiir ku wuxuu wasiir u yahay reerkooda, oo xukunka wuxuu ugu fadhiyaa dannahooda, iyo in uu u hadlo, xaqoodana siiyo reerkooda. Cajab! Tallow, Matahay Su’aal leys weyddiin karo oo ah maxaa sababey iney weli halkaas taagnaaden, iyagoo qabiil laga tagey shan iyo toban qarni kahor, ku dhaqmayaan maanta?.

Cimriga dawladeed ee somaalidu wuxu yahay weli mid aan qarni gaadhin, wallow ay somaalidu ahayd dad gel-jirayaal duurna ka ku jirey, weligeed marbey dawlad yeelatay markiina wey ku guuldarreysatey, iyadoo dawlad u dhow, weliba ay ahayd dawlad qabiil ku dhisan, kuna burburtey dagaal qabiil. Waxaana dib loogu noqdey nidaamkii xudduudaha qabiil ee jirey isticmaarka kahor.Haddaba, su’aasha ugu muhiimsani waxey tahay. Dunidu hadda wey horumertay, qabiil na waa laga tegey, se xatal aan somaalidu kamey tagin somaalidu, oo wataa aynnu aragno iney ku dhaarato qabiil? Markale ayaynu ka jawaabeynaa su’aash, laakin xasuusnow in somaalidu weli mareyso qarnigii 5TH.

Innagu celi hadaba dimuqraadiyaddeenni, plebenians waxey nodeen  kuwo lug lagaley dawladdii ka dhisneyd Rooma.

Xaqa labaad ee ay heleen plebenians ku wuxuu ahaa in la sameeyay xeer loo yaqaan “comitia Centuriata”. Oo macniisu yahay” Codeyntii Qarniga” “Voting for Centuries”.

Xaqa saddexaad na wuxu ahaa iney dhammaan xafiisyada dawladda shaqo laga siiyay, qunsul na lasiiyay, aad na ay uga qeyb qaaten nidaam kii dawladeed ee xilligaas jirey.

Halkaas waxa ka bilaabmey, waxey nu maanta u naqaan dimuqraadiyadda.

Se, nasiib-darro, mey sii cimri dheeran xukunkii roma ka jirey, waxaa lagu soo qaadey weerar uga yimid dhinaca jasiiradda Talyaaniga ah, waxaana la sameeyay boqortooyo  cusub.

Wakhtigaas waxa isku jirey oo aad isugu qasnaa dawladnimada iyo kiniisada, xukunku wuxuu kasoo go’i jirey kiniisada [Church],

Waxa la galey qarnigii xilliyo dhexe [Medeival period], waxaa loo bilowdey waxa loo yaqaaney “Prostestantism” oo ah in kiniisada iyo xukun ka la kala saaro. Waxaa sido kale bilowdey, horumarey na in “Lutherinsm” oo uu iska lahaa Martin Luther: waa iney dadku aqoonta bartaan si ay u adkeystaan una fahmaan waxa ay rumeysan yihiin.  Waa in ruuxu toos ula xidhiidhaa Eebbe isagoo usii mareyn waddaad kiristan ah            [Bishop], ama waddaad masiixi ah [Priest].

Waxey la ogaadey qarnigaad dhexaad in dad ku simman yihiin alle u abbuurey si simman.  Dib-u-soo noqoshadii garawshiyadeed ee dimuqraadiyaddu waxey sabab tey in haddana mar labaad ay si ka duwan sidii hore oo ah, in adduun weynaha ay ku faaftey waxaana kamkid ahaa:

  • In 1758, shacab ka reer yurub fahmeen waxey dimuqraadiyaddu tahay, waxey ogaadeen in boqortooyadu tahay sida xukun ciiddan oo kale.
  • Waxey ogaadeen in dimuqraadiyaddu ay tahay in qofkas taaba uu leeyahay xuquuq gaar ah, una baahan yahay in sida bini’aadamtinnimo loola dhaqmo.
  • Waxey ogaadeen in doorashadu ku timaado codeyn “Voting”, ay ka wannaagsan tahay, Tan ku timiddey jujuub iyo qori caaradii.

Islaamku wuxuu hangool farraaro leh ku diiddan yahay dimuqraadiyadda iyo wixii la halmaala, waxey na ku dooddaan qoladani xuquuqal insaanka u-ololeeya in; aannu shaqo iyo shuqul toonna ku laheyn  arrimaha diimaha, balse uu ku kooban yahay arrimo adduunyo oo keliya. Kahor inteynaan ugudo gelin qodobb kan xuquuqal insaanka, waxey un ubaahanahey ineynu falanqeyno raad-raaca dhaqanka muslimka,. Ilaha ama raad-raaca muslimku wuxuu ku kooban yahay ama salka ku haya; quraanka ama buuggii lagu soo dejiyey muslimka una rumeeyeen inuu yahay hadalkii eebbe, hadalkaas oo soo gudbiyey malagu jibriil una gudbiyey nebbi Mohamed. Sunnadda, xaddiis, culuumta sharciga ah. Dhammaan waa xogaha islaamku ku taagan yahay, taas macnaheedu waa inuu Muslimku yahay umadd u hoggaan san tixraaca kor ku xusan.

Madaama quraanku yahay qoraalo kasoo baxey saxaraha xilliyo ay adkeyd in diin iyo ururinteed loo hawlgalo, ayaa haddana mucjisada ku dheehani ay tahay in muddo 1400 sanno kahor wax jirey ay maanta sidoodi iyo si kale heer sareysaba loo adeegsadaa. Addoonimada, keligii-teliyaha, qabaa’ilka, midab kala sooca, yasida dumarka, iyo waxkastoo aadamaha ka uu hadda Xeer ka ka dhigtey inuu ka fogaado, ayuu quraanku waqti fog xusey. Waanna tan ay maanta ku dooddayaan ee xuquuqal insaanka u la baxeen, haddey un si kale u macneyno kitaabtu waa “ Tusmada Nolosha”. 

Aynnu dhinac kasta oo xuquuqal insaanka ah aynnu ka istaagno diinta iyo quraanka.

  1. Xuquuqda Nolosha

Qofkasta oo bini aadam ah wuxuu jecel yahay in la ixtiraamo lana qaddariyo si noloshu macno ugu sameyso, haddana iyadoo sidaas ah ayaa xuquuqal insaanku isku dadayaan iney maanta inoo sheegaan oo dhahaan “qofkasaa wuxuu xaq u leeyahay inuu noolaado si uu helo saamigiisa nololeed, sidoo kale anniga iyo adigu ma jiro wax kala duwanaansho ah oo inoo dhexeeya. Hadaba muhiim maaha inaad maanta isweyddiiso inaad ila siman tahay anniga iyo inkale, madama uu quraanku ku caddeyay. Fadlan eeg Sida Quraanku ka warramey:Cutubka 6aad, aayadda 151 aad, cutubka 5aad, aayadda 32aad.

Nolosha Qofkasta wuxuu la siman yahay dhigiisa ay koonka wada joogaan, mana jiro farqi u dhexeeya adiga iyo kan madaxwenaha. Dhammaan bini aadamku waa uu siman yahay mana jiro qof laga faddiley kan kale, qofkastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu noolaada.

  1. Xuquuqda xushmada

Tixgelintu waa tiir kamid ah tiirarka caddeynaya inuu bini aadamku kala duwan yahay, sidaas markaan leeyahay macnaheedu waa; haddii anniga aan ku aqoonsaneyn adiga, kuna arkayo inaad tahay xayawaan lamid ah kuwo duurjoogta, miyaad iga filaneysaa inaan ku tixgeliyo ama kuu muujiyo ixtiraam? Jawaabtu, waa maya. .  Si hadaba taasi u dhicin kuna arko inaad tahay ruux nool xuquuq iyo xorriyad bana leh ayaa Eebbe aayadan kusoo dejiyey xushmada: Fadlan eeg cutubka 9aad, aayadda 70aad. Iyo cutubka 33aad, aayadda 72aad.

Xushmadu,xorriyadu iyo caqligu saddex barbaro aan la kala reebi karin, madaama xorriyaddu tahay wax noole eebbe abuurey uu ugu jecel yahay, caqliguna yahay nimcooyinka alle kuugu hibeeyay bal u fiirso aayadaan. Surah 2: At-Tin: 4-6.  Sida aayadani tilaameyso wuxuu eebbe kuu abuurey sida ugu wanaagsan, kuna siiyay caqli aad wax ku kala garato, mid aan sax iyo qalad aad ku kala garato, mida ad wanaag iyo xumaanba ku sameyso, sidaas darteed waxaa laga marmaan ah inaad xushmeyso qofkastoo bini aadam ah si aad adna u hesho tixgelin qaddarkeedu sarreeyo.

  1. Xuquuqda caddaaladda

Inbadan ayuu quraanku caddeeyay xuquuqda si loo helo caddaalad iyo waajibaad. Bal inyar ila eeg aayaddan :Al-Ma’idah:8 iyo Surah 4:An-Nisa’:136. micnaha guud ee caddaaladu, quraanku wuxuu isticmaaley labo fikir oo kala “adl” iyo “ihsan” waa labo isku xidhan oo sinnaba u kala hadheyn, balse macno ahaan wey kala duwan yihiin.

Caalimka weyn ee Islaamka ee loo yaqaan A.A.A. Fyzee  ayaa “adl” wuxuu ku qeexey “ areygani falsafadda ka dambeysaa waxey tahay in waxkasto yihiin kuwo siman, mana jirto wax dheelis ah ha badnaato ama ha yaraate” sidoo kale Fyzee wuxuu sii sharaxey fikirkiisan: (maxkamadda caddaladu waatan u garqaadeyso labo koox oo ishaysa si siman, iyadoo midna ku talax tagey, dhinac aan u xagal-daacineyn).  Isla Tarjumaakii Abu’l Kalam ayaa isna wuxu caddaalada kusoo gaabiyey ereyadan xikmadda xambaarsan: “Muhiimadu waa in aad dhinacna ku xadgudbin”. Ruuxa lagu tilaami karo inuu yahay mid  “adl” ah, maaha mid ku abtirsada inuu yahay: maal-qabeen, guulwadde ama arrimo diineed. Qof caddaalad sameyn karaa waa inuu ahaada mid “iman” lagu lifaaqey “amal” sida aayaddani inoo tilaameyso.

Eebbe wuxuu inoo sheegey in camalkasta oo wanaagsani leeyahay abaal-marintiisa, siiba iyadoo lagu qiimeynayo xaaladaha ay duruufaha aad ammintaas wanaag fashey. Tusaale ahaan wuxuu quraanku sheegey in si isku mid ah loo garaaco ninka iyo gabadha dambi gala: Fadlan eeg Surah 24:An-Nur2. haween/gabadha waxey ku kala duwaan doonnan xagga dambe ciqaabista kala sida aayaadkani tilmaamayo.

Dhinaca kale ee “ihsan” waa wanaag inaad sameyso adigoo wax la taaban karo kordhinaya. Si haddaba aynnu u fahamno fikrada guud ee ‘’ihsan’’ waxeynu cuskan doonna xagga bulshada.ama  ‘’ummah” . Ereygan “ummah” wuxuu  xidid ahaan kayimd “umm” oo ah “hooyo”. Waxa inaga qarsooney in hooyadu tahay mid abaalkeeda inta la noolyahay la gudi karey, inbadan ayay hooyadaa kula soo dhibtootey, habeenno badan kusoo jeedey, waxaas ay intaas oo dhan kugu riixeyay waa “ihsan” ama wanaag ay adiga kuu sameyneysay. Akhriste, waxaan filayaa inaad si fiican ii fahamtahay aynna kuu kala caddaatey waxey caddaaladu tahay? Iyo sida ay diinteena suubbani ay inoogu kala dhigdhgitey. Hadaba waa maxey xuquuqal insaanka ay ina farayaan reer galbeed ka iyo xulufadooddu? Miyayna habbooneyn ineynu ahaanno bulsho kitaabkooda ogaal u ah, si aynaan hadhow u maleyn iney maanta Human rights ku ay inna barayaan wax cusub?

  1. Xuquuqda xorriyadda

Sida aynnu horrey uso sheegney, wuxuu quraanku ka dhiidhiniyaa ama si cad innoogu sheegaya in aan qofna bini aadamka ah la addoonsan loona dhaqmo si bini aadamtinnimo ku dheehan tahay. Siiba qolyahan keli-telis iyo amar-kutaageleynta ah nidaamkooduna ku wajahan yahay xorriyad la’aan addoonsi ah. Wuxuu quraanku si cod dheer ah inoogu tilmaamaya in xorriyadu tahay hantida noolaha, oo weliba aaneey habbooney in qof la addoonsado. Bal ufiirso aayadankan. Surah 3: Al-imran :79

Addoonimadu waxey aad ugu baahdey carabta ammintu diintu islaamku soo ifbaxdey, waxaana ku dhisnaa dhaqaalaha carabta. Quraanka ma diidanna addoonima se waxa habboon in loola dhaqmo si bini aadantinnimo ah , Fadlan eeg: Surah 4:An-Nisa’:36

Aayaddan waxey tilmaameysa in Nebbi Muhammad (NNKH) uu maxaabista uu dagaal lagu soo qabto in uu sii denjirey ama ka qaadi jirey madax-furasho [Ransom].  Ma jiro buugg kale oo sida aayadani inoo tafsiireyso in addoonka loola dhaqmo la qorey ama kawarrama in addoonka loola macaamilo si wanaagsan, xataa xuquuqal insaankana ku dar o,’ – dhammaan aayadahan hoose oo dhami waxey ka warramayaan xorriyada. Fadlan eeg:

Surah 42:Ash-Shura:21. [29] Surah 42:Ash-Shura:38. Surah 2: Al –Baqrah: 256.   Surah6:Al-An’am:107; Surah 10:Yunus:99; Surah 16:Al-Nahl:82; Surah 42:Ash-Shura:48.

Surah 18: Al-kahf: 29.   Surah 2: Al-Baqrah: 62

  1. Xuquuqda inaad hesho aqoon

Barashada aqoontu waa qeyb kamid ah nolosha, kalaam ka Eebbe inbadan ayay aayaadkiisa ku jirtaa, waxa uu quraanku innagu guubaabinaya ineynu ilaahey ka barrino aqoon wanaagsan. [Surah 20:Ta-Ha:114]. Bar-bilwogii aqoontu islaamku waxa lagu bilaabey aayadani : Surah 96: Al’alaq: 1-5

Wuxuu Nebbi Muhammad ku duceysan jirey inuu eebbe siiyo aqoon/cilmi aakhiro iyo adduunba anfacda. Xaddiis kale waa kii Nebbi kulaaha “  raadiya aqoonta ama bartaa xataa u socdaala ilaa china” halkaas waxey si fudud ugu ogaan kartaa in diintu ay qiimo gaar ah siisey aqoonta. Waanna xuquuq inuu qofku waxbarto si uu noloshiisa u hanto.

FG: Akhri maqaal ka aan ka diyaariyey aqoonta iyo faa’ideeda, ee cinwaankiisa ahaa Barashada iyo Aqoonta. degelkan.

  1. Xuquuqda dheefta

Sida uu eebbe inoo sheegey ruuxkasta dheeftiisa eebbe ayaa qorey waanna mid ku xidhan eebbe iyo amarkiisa. Surah 11: Hud :6.  Maadama uu qofkasta illaahey abbuurey wuxuu xaq u leeyahay inuu abuurihii isaga sameeyay uu ka helo cunto iyo baad uu kunoolaada. Taas macnaheedu waxey tahay bini aadam kasta wuxuu xuquuq uu kunoolaado.

  1. Xuquuqda shaqada

Marka quraanka la eego wuxuu ina barayaa in ruuxkastaa nin iyo haween ba ay xaq u leeyihiin iney shaqeystaan ama shaqeeyan, ha ahaato mid u shaqeeya si mutadawacnimo ah ama mid hanti laga helayo.  Aayaddan ayaa tilmaameysa. Surah 4:An-Nisa’:32.

  1. Xuquuqda lahaansha

Wuxuu quraanku inoo sheegaya inu Qofkasta bini aadam ah uu xaq u leeyahay inuu ahaan karo mid wax gaar u noqon karaa . Tusaale: xaq baad u leedahay iney gaar kuu ahaadaan; hantidaadu, gurigaaga, noloshaada. Si aad hadaba dad ka kale xuquuqdooda ugu xadgud bin ahaada kuwo weyddiista intey daan ficil ka ku dhaqaaqin.  Waxaa tilmaamaya dhammaan aayadahan hoos ku xusan.

Surah 24: an-nur:16-19; also see surah 4: An-Nisa:148-149

  1. Xuquuqda ka hortaga gafka, xanta, iyo ku qosolka

Quraanku iyo diintuba ma ogalo in ruux bini aadam ah la waxyeelo sharftiisa, sumcadiisa. Surah 49:Al-Hujurat:11-12.. Sidoo kale xeerka bini aadamtinnimada waxaa dhabar jab ku ah in ruux walalkaa ah aad masibido [malign], xaasiddo [malicious] , fadeexeysom [mandal] ama aad ku tilmaamto waxyaabo sumcadiisa nololeed hoos u dhigi karaa, si taas hadaba lagaaga waanniyo waa inaad wax ku qaadata aayadaha Eebbe ee xambaarsan mucjisada, waannada. Bal u fiirso aayadan:  Surah 24: An-Nur:16-19 see surah 4:An-Nisaa: 148-149

  1. Xuquuqda quruxda

Eebbe ayay mahadi usugnaatey, kaa oo inoo abbuurey sida ugu wanaagsa, uguna quruxda badan sidaas la ajlijeed maaha inaad dadka ku ceydo foolxumoodada [ Ugly], ama aad ku talaxtagto quruxdooda [Aesthetic], waayo labaddiinuba midna doorashada ma uu laheyn. Se Quruxdu waa qalbi.

U fiirso aayaddan: Surah 7: Al-A’raf:32

 

  1. Xuquuqda haajirida

Xuduud malaha muslimku, macnaheedu waxey tahay waxa Tusaale innogu filan. In Nebbii muhammed( NNKH) , uu go’aansadey inuu ka haajiro ama ka tago halkii uu ku dhashey xuntidiisuna taaley Makka, uuna u haajirey Mediina. 23 sanno ee quraanka soo deggayay, 10 kamid ah nebbi wuxuu kujirey xaaladd dhib badan, oo Makka joogey, xataa waa tii loo diidayay inuu tukado, oo diinta faafiyo. Kaddib waa kii Mediina u haajirey oo muslimiinta xoog ku yeesheen halkaas, 130-kii ee sanno ee u dambeeyey nebbi muxamed guul ayuu kusugnaa.

Haajiriddu waxey timaadaa marka xaalado gaar ah ay soo wajahaan ruuxa muslimka kuwaas oo khalkhal maalmeed geliyey noloshaadi caadigaa, markaas ayay kugu waajibeysaa inaad ka haajirto deegaankaaga una hayaanto mid kale.. Fadlan eeg. Surah 4: An-Nisa’:97-100.

Guud ahaanna, Islaamka wuxuu la jaan-qaadi karaa dimuqraadiyadda.

Tixraac:

  1. Democracy in Islam ( Sayed Khatab and Gary D.Bouma)
  2. Democracy, Human Rights and Law in Islamic Thought : Mogammed Abed al-Jabri
  3. University of Louisville, Louisville , Kentucky
  4. The message of the Qur’an, P.207

 

 WQ:  Cabdixakiim Cabdillaahi Aaden (Tiyari)  

Email: abdi.177@hotmail.com

Face book: Cabdixakiim-Tiyari Cabdillaahi Aaden

Phone number:  + 251-937603544