Waxa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Burco Dr. Cabdi Aw Daahir

Burco waxa maanta aas qaran loogu sameeyey alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo maalintii shalay ahayd ku geeriyoodey Burco.

Aaska marxuumka ayaa waxa ka qayb galay dadwayne aad u tiro badan , Madaxwayne-ku-xigeenka, asxaabta siyaasada dalka xildhibaano wasiiro iyo sidoo kale dadwayne kala duwan oo iskaga kala yimid dhammaan gobolada dalka Somaliland

Waxaana halkaasi ay tacsi uga direen ehelkii qaraabadii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo taariikh dheer ku dhex lahaa guud ahaa Somaliland.

bandhige@gmail.com