Faysal Cali Waraabe wuxu taageeray go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xalay u warabay Bulsho TV ayaa taageeray go’aankii uu madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho.

“Duruuf baa keentay in la kala qaado labada doorasho kadib markii aanu annagu ku fashilanay in aanu qaybino kuraasta Golaha Wakiillada. Madaxweynaha talaanu ku celinay sidan ayaanu xal u arkay” ayuu yidhi.

Faysal Cali Waraabe wuxu warbaahinta ku canaantay aqoon-yaraan iyo in ay si khaldan u turjumeen go’aankii Beesha Caalamka.

“Beesha caalamku waxay tidhi doorashadii Golaha Wakiillada ee aad dib u dhigteen kharashka ay soo kordhiso annagu ma bixinayno. Laakiin may odhan taageeradii aanu idin siin jirnay waanu idinkala noqonay. Qolada warbaahintu waa in aad iska hubisaan sida aad wax u turjuntaan.”

Faysal Cali Waraabe wuxu sheegay in bulshada caalamku ay la soo xidhiidheen ayna u sheegeen in kharashka uu go’aankani soo kordhiyo aanay bixinayn laakiin wada-shaqayntii Somaliland ay sidii caadiga ahayd u sii wadi doonaan.

BANDHIGE NEWS