Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa goor dhawayd war-baahinta la hadlay. Guddoomiye Aadan wuxu sheegay in kiiskani muhiim yahay sidaas daraadeed ay ka wada qaybgeli doonaan 11-ka garsoore ee Maxkamadda Sare oo uu guddoominayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Guddoomiye Aadan wuxu sheegay in dacwaddani ay tahay mid racfaan ah, oo uu racfaanle ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabeย racfaansaneyaal-na ay ka yihiin murashaxa madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen iyo guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga Muj. Cali-Gurey.
Guddoomiyuhu wuxu sheegay in maxkamaddu ay noqon doonto mid furan oo caddaaliya iyadoo la tixraaci doono Xeerka Xisbiyada, Sharciga Xisbiga, go’aankii Guddida Diwaangelinta Ururrada isla markaana la dhagaysan doono qareennada labada dhinac.
Halkanย ka dhagayso warbixintan oo uu soo gudbiyey telefishanka Horn Cable TV.