FBI-da oo Furtay IPhone-kii Syed Farook

Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa heshay hab ay ku furto taleefoonka iPhone 5C ah oo uu lahaa ninkii fuliyey weerarkii magaalada San Bernardino ee gobolka California, oo 14 qof lagu dilay.

Tallaabadan ayaa soo geba gebeyneysa loolan dhinaca sharciga ah oo u dhaxeeyey dawladda Maraykanka iyo shirkadda Apple oo diiday in ay taleefoonkaas furto.

Taleefonka ayaa waxa furay qof aan Apple ka tirsaneyn oo dawladda Maraykanka aysan shaacin, kaasi oo adeegsaday barnaamij aan la shaacin.

Garyaqaanada Apple ayaa sheegay in ay rajeynayaan in dawladda Maraykanka ay la wadaagto habka ay si guul leh ugu furtay taleefonkan oo uu lahaa Syed Farook, hase yeeshee ma muuqato in dawladda Maraykanka ay sidaas sameyn doonto.

Inkasta oo tani ay guul u tahay dawladda Maraykanka haddana waxa ay su’aal badan gelin doontaa taleefoonka iPhone iyo heerka amni ee qofka isticmaala uu heli karo.

Taleefoonkan ayaa waxaa ku xidhnaa password uu la dhintay Farook. Dawladda Maraykanka ayaa dooneysa in ay hesho xogta ku jirta taleefoonka.

bandhige@gmail.com