Ninkii afduubay diyaaradii Egypt Air oo isa soo dhiibay iyo dhammaan dadkii diyaarada saarnaa oo badbaaday

Ninkii afduubtay diyaaradii Egypt Air ayaa isa soo dhiibay, dhammaan rakaabkiii saarnaa waa ay soo wada badbaadeen.

Afduubka ninka diyaarada afduubay ayaa waxa uu la xidhiidhaa dhinaca shaqsiyan, balse waxa aanu la xidhiidhin dhinaca argagaxisada oo ay Carabta ay ka abuurmeen kooxo argagaxiso.

Qof rakaab ah oo sheegay in uu wato suun qarxa ayaa ku martay in shaqaalaha diyaaraddu ay duulimaadka u weeciyaan dhanka Qubrus, sida ay sheegtay shirkadda diyaaraddaha ee Egypt Air.

Diyaaradda Egyp tAir ayaa sheegtay in wadahadalo la galay ay horseedeen in la sii daayo dhammaan dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda, marka laga reebo afar ka mid ah rakaabkii oo ajaaniib ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

Markii dambana waxaa soo muuqday ninkaas oo Masar u dhashay oo gacmaha taagaya kana soo dagaya diyaaradii uu afduubtay.

Wax yar dabadeedna waxaa la arkay dhawr qof oo ka soo ordaya diyaaradda mid ka mid ah shaqaalaha ayaana diyaaradda iska tuuray.

Madaxwaynaha Qubrus, Nicos Anastasiades, oo goor sii horaysay hadlay ayaa weriyeyaasha u sheegay in afduubka diyaaradu uusan la xidhiidhin argagixiso.

bandhige@gmail.com