Shir lagu lafa-gurayey siyaasada waxbarashada oo la soo gabagabeeyey

Waxa shalay la soo afmeeray shir socday muddo saddex maalmood ah oo lagu falanqeeyey siyaasadda waxbarashada Somaliland, shirkana ayaa waxa ka soo qayb galay  ha’yadaha daneeyo waxbarashada iyo bahda waxbarashada.

Iyadoo dadka falanqeeya waxbarashadu aad farta ugu hayaan tayada waxbarashada oo hoos u dhac weyni ku yimida, ayaa waxa sidoo kale shirkan lagaga hadlay halka ay marayso tayada waxbarashadu.

Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habane “Cabdillaahi-dheere” oo hadal ka jeediyey xidhitaankii shirka ayaa waxa uu sheegay in siyaasadda guud ee waxbarashada dalka ee shirkan lagu falanqeeyey ay horgayn doonaan Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo, looguna shaqeeyo mustaqbalka dhaw.

Waxa kale oo uu sheegay in dejista siyaasadda waxbarashada Somaliland ay muddo dheer socotoy, isla markaana aqoonyahanka iyo dadka ku-xeel dheer arrimaha tacliintu si weyn uga qayb-qaateen, figrado iyo tallooyin muhiim ahna ku dareen sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka, isagoo u mahadceliyey cid kasta oo gacan ka gaysatay, gaar ahaan hay’adda Mercy Corps oo maalgelisay shirka lagu lafa-guray siyaasadda waxbarashada iyo tacliinta sare oo muddo saddex maalmood ah ka socday Hargeysa.

Sidoo kale guddida aqoonyahanka ah ee loo xilsaaray dejinta siyaasadda waxbarashada iyo dib-u-eegista xaaladaha waxbarasho ee dalka, ayaa shirkaas ku soo bandhigay  in heerka waxbarasho ee dalku waqtigan marayso meel xun, loona baahan yahay in si ballaadhan looga wada qaybqaato sidii loo fulin lahaa, loona dhaqangelin lahaa siyaasadda loo dejiyey waxbarashada marka laga ansixiyo Golaha Wasiirrada.

Sidoo kale waxa uu wasiira waxbarashadu shahaado sharaf guddoonsiiyey Duqa Berbera oo ku mutaystay wax-qabadka dawladda hoose ee Berbera ee dhinaca waxbarashada.

bandhige@gmail.com