Waa damiir xumo dadkaygu haraad ha u dhintaan, anna doorashaan rabaa, hambalyo go’aanka dib-u-dhigista diwaangelinta (W.Q: Cabdirisaaq Xaaji)

Runtiii wax laga xumaado ayey ahayd in muwaadinkii oo haraad iyo gaajo u naf baxayaa in la yidhaah kaalay isdiwaangali si aad doorashadda u codayso, Waxaanse hambalyeynayaa go’aanka arrintaasi lagu qaabilay  ee dib-u-dhigista diwaangelinta iyo go’aanka Golayaasha qaranka, Asxaabta oo Madaxweynahu hormuud ka yahay, caqliga maanta doorasho ka fakarayaa waxaan leeyahay waa mid nasiib daran.

Waa nasiib darro wayn in xisbiga Waddani uu dareemi waayo shacbiga abaartu saamaysay ee haraadka u qudh baxay isagoo doorasho u hamuumaya, maxaad doorasho gashaa dadkiiba haraad bay u dhimanayaane, marka taladu kaa lumayso waa tan oo kale, Ilaahay ayaa ummaddan u naxariisan, adigana shacbigu waa ku fahmeen.

Ilaahayn waxaan ka baryeynaa, binu aadam awoodiisu way kooban tahay ee in Alle abaarta inaga jabiyo oo ummaddiisa u soo naxariisto, ummadda reer Somalilandna waxa waajib ah in ay fadhiga ka kacaan oo itaalkooda isu gurmadaan qof waliba isku dayo in uu qof kafaalo qaado kagana qayb qaato gurmadka abaaraha ee shacbigeena dhibaataysan lagu taakulaynayo.

 

Waxa Qoray: Cabdirisaaq Xaaji