Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Egypt Air oo la afduubay

Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha Egypt Air oo nooceedu Air bus oo ka soo kicitantay Alexandria kuna socotay Qaahira ayaa waxa afduubay nin ka mid ahaa rakaabkii ay siday.

Diyaaradan ayaa waxay rakaab dhan 81 qof. Diyaaradan ayaa waxa ay hadda soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Larnaca ee magaalada Qubrus.

Ninka afduubtay diyaarada ayaa waxa uu markii ay fadhiisatay diyaaradu soo daayey dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarada marka laga reebo dad ajaanib ah oo saarnaa diyaarada iyo shaqaalihii diyaarada.

Dadka ilaa hadda la soo daayey ee uu soo fasaxay nin afduubtay diyaarada haysta ayaa waxay dhan yihiin 81 qof oo ay ku jiraan 7 qof oo ka mid shaqaalihii diyaarada, wali ilaa hadda waxa uu ninka afduubka gaystay diyaarada ku haystaa afar qof oo ajaanib ah.

Madaxweynaha Qubrus Nicos Anastasiades ayaa waxa uu sheegay in dhacdan afduubka ahi u muuqan mid argagaxiso, balse ay tahay mid shaqsiyan u ah shaqsigan.

Wararka laga helayo Qubrus ayaa sheegaya in ninkan afduubka gaystay uu soo tuuray warqad Afcarabi ku qoran oo ku dalbanayo gabadhiisii hore oo dagan Qubrus in loo soo celiyo. Xaaskii hore ee ninkani qabi jiray ayaa waxay degan Qubrus balse waxa warar dheeraad ah lagama helin.

Wasiirka Duulista Masar ayaa waxa uu ku sheegay war-qoraal ah oo uu soo saaray in duuliyaha diyaarada oo lagu magacaabo Omar al-Gammal uu ku soo war-geliyey saraakiisha wasaarada in qof ka mid ah dadkii rakaabka diyaarada saarnaa in uu ku cabsi geliyey rakaabkii saarnaa diyaarada, kaas oo sitay suunka qarxa kuna qasbay in ay fadhiisato diyaaradu garoonka Larnaca.

bandhige@gmail.com