Wasiirka Ganacsiga waxa uu sii sagootiyey Guddi farsamo oo Itoobiya kala xaajoon doona arrimaha ganacsiga iyo ammaanka

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Xuseen AadanCige “Xuseen Deyr” ayaa madaarka Hargeysa ku sagootiyey wefti Somaliland ah oo Itoobiya u tegi doona in ay kala soo xaajoodaan arrimaha ganacsiga iyo ammaanka.

Wasiirka ayaa kulan dardaaran iyo sii sagootin ah kula qaatay guddi farsamo oo ka koobnaa khubaro, aqoon-yahanno, maamulka sare ee dekkedda Berbera iyo agaasimayaal guud oo xukuumadda Somaliland u matalayey wadahadaladii arrimaha Ganacsiga qolka nasashada ee Cigaal. Arrimaha nabad-gelyada ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

Wasiirku wuxuu weftiga kula sii dardaarmay in ay wax walba ka hor mariyaan danaha iyo maslaxadaha uu leeyahay qaranka Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga oo ka hadlay ka hor intii aanay masuuliyiintaasi ka dhoofin garoonka Cigaal ayaa ka war bixiyey safarka iyo ujeedadiisa isagoo arrintaas ka hadalayana waxa uu yidhi:

Weftigahalkan jooga ee aqoon-yanadda iyo masuuliyiinta kale ee qaranka waxay diyaar u yihiin in ay u duulaan dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya halkaas oo ay wada-hadalo kula gali doonaan xukuumadda Itoobiya, wada-hadaladaasi waxay quseeyaan arrimaha Transit-ka, hawlaha kale ee nabad galyo, kuwa is-kaashi iyo kuwa Dekadda ee Somaliland doonayso in ay kala hadasho Itoobiya waan wada-hadalo hore u soo socday.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray:

“29  February  shir weynaayaa waxa uu ka dhacay  Berbera, shirkaa waxa lagaga hadlayey arrimaha ganacsiga, iskaashiga, iyo arrimaha aynu soo soo sheegnay. Guud ahaan waa koox u darban in ay danaha iyo maslaxada qaranka wax walba ka hor-mariyaan ayna difaacaan meesha danta qaranku ku jirto, waanan ku kalsoon ahay boqolkiiba boqol. Markaa mudanayaal waxaan idinkula dar-daarmayaa in aad danta qarankeena wax walba ka hor-marisaan, bi’idni lahaa idinka oo guul sidana aanu dalka idin ku soo dhaweyn doono.”